Maamulka Xizbul Islaam oo maanta xukun tacsiir ah ku fuliyay dhalinyaro Gudaha Magaalada Balad-Weyne.
Bartamaha(Balad-Weyne):-Maamulka Xizbul Islaam Ee Magaalada Balad-Weyne ayaa maanta samaeeyay xukunkii ugu horeeyay kaasi oo lagu tacsiiray laba dhalinyara ah Fagaara ku yaala Magaaladaasi.
Maxkamada Islaamiga ah Ee Magaalada B/Weyne ayaa maanta xukun ku riday laba dhalinyara ah kuwaasi oo lagu Eedeeyay walxaha Maanka dooriya iyadoo xukunkooda lagu fuliyay meel fagaara ah oo gudaha B/Weyne.
Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Balad-weyne Sheekh Mahad Cumar ayaa ka sheegay goobta xukunka uu ka dhacayay in labadaasi dhalinyarada ah lagu helay Isticmaalka Walxaha maandooriyaha .
Waa xukunkii ugu horeeyay oo ay sameeyaan Maamulka Xizbul Islaam Balad-Weyne iyadoo uu ku soo aadayo xilli maalin ka hor dhammaan Magaalada Balad-Weyne uu galay gacanta Xizbul Islaam ka dib markii uu si cad ugu biiray Gudoomiyihii Maxkamadaha Gobolkaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments