Calendar

Maamulka soomaliland oo tv-ga Universal ka mamnuucay inuu ka shaqeeyo deeganada maamulkaasi

universal tv somalia

Hargaysa _ Maamulka Somaliland ayaa maanta shaqadii uu Tv-ga Universal kahayay deeganada  maamulkaasi joojiyay, kadib markii ay sheegeen in tv-ga uu baahiyay Barnaamij lagu dacayadaynayo siyaasada Soomaliland.

Cabdullaahi Maxamed Daahir (CUKUSE) oo ah wasiirka warfaafinta maamulkasi oo maanta saxaafada kula hadlay Hargaysa ayaa shaaca kaqaaday inay Ruqasadii shaqada kala laabteen Universal tv, waxaana uu intaasi raaciyay in maamulka tv-gu uu ku xadgudbay heshiis ay hada kahor kala saxiixdeen.

Wasiirka warfaafinta Somaaliland ayaa sidoo kale sheegay in Universal tv laga baahiyay warar been abuur ah, isagoona xusay in wixii maanta kabilowada uu kashaqayn karin deeganada Somaliland.

Dhinaca kale Maamulka Sare ee tv-ga universal oo lahadlay BBC-da ayaa go,aanka shaqada looga joojiyay ku tilmamay mid xad gudub ku ah xuquuqda warbaahinta, isagoona iska difaacay in wax warxuma tashiila oo lidi ku ah Somaliland aan lagasii dayn Universal.

Maahan markii ugu horaysay oo tv-ga Universal laga mamnuuco inuu kashaqeeyo Somaliland, waxase ay arintani imaanaysa xili dhowaan uu tv-gu bilaabay barnaamij mujaajilo ah oo lagu gorfeeyo siyaasada somaliya.

www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: