Bartamaha(Kismayo):- Ciidamada Maamulka Islaamiga ee gobolada Jubooyinka ayaa gacanta ku dhigay ganacsato sariflayaal ah kuwaasi oo la sheegay in ay diideen qadashada doolarka ajeex jeexan.
 Wiilaayada islaamiga ee gobolada Jubooyinka ayaa dhawaan waxaa ay soo saartay awaamiir ku aadan qaadashada lacaaha Doolarka Maraykanka ee ka jeexan meelaha il maqabatada ah kuwaasi oo ay ku amartay in ay qaadan karaan sariflayaasha iyo guud ahaan ganacsatada ku shaqeysta lacagaha doolarka.
Tan iyo markii awaamiirtaasi la soo saaray ayaa gudaha Magaalada Kismaayo iyo deegaanada gobolada Jubooyinka waxaa lagu arkayay dad badan uu u hogaansamay awaamiirtaasi kuwaasi oo qaadanaya lacagaha jeexjeexan ee doolarka halka kuwa kalana ay ka dhaga adeegeen.
 Maalintii shalay ayaa ciidamada Wilaayada Islaamiga ee gobolada Jubooyinka waxaa ay soo qab qabteen dad badan oo awaamiirtaasi ka dhaga adeegay kuwaasi oo la dhigay saldhiga Wilaayada Islaamiga ee Jubooyinka.
Sheekh Abuu Hureyra ismail axmed Taliye ku xigeenka Saldhiga Magaalada Kismaayo  oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in maalintii shalay ay soo qab qabteen dad badan oo sariflayaal ah kuwaaso oo uu sheegay in ay ka dhaga adeegeen awaamiirtii ay soosareen maamulka islaamiga ee Jubooyinka oo  ahayd  qaadashada lacagaha jeex jeexan ee doolarka ah.
Sikastaba ha ahaatee arintani ayaa imaneysa xilli  wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka heshiis ay la gashay ganacsatada magaalada kismaayo uu ku saabsanaa qaadashada Lacagaha Doolarka ah ee leh garaafo aan muuqan amaba duuga ah islamarkaasina looga digay ganacsatada in ay ka hor yimaadaan heshiiska ay la galeen Maamulka cidii kahor timaadana loo sheegay in ay ciqaab muteysan doonto.Â
Â
Â
Ismaaciil Cali Cabdi
Kismayo-Somalia
Â
Warar Xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com
Â