Maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo iyo ganacsatada gobolka J/hoose oo kulan ka yeeshay bixinta lacagaha Zakaatul Fidriga.
Kulankani ay galinkii danbe ee shalay galab yeesheen xubno katirsan masuuliyiinta maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo iyo ganacsatada gobolkani j/hoose ayaa waxaa looga wadahadlay bixinta lacagaha Zakaatul fidriga iyo weliba in goobaha ganacsi ee ku yaal gudaha magaalada Kismayo ay gabi ahaantoodba iska soo diiwaangeliyaan Xafiiska aruurinta lacagaha Zakaatul fidriga ee uu dhawaan Maamulku ku baaqay in deeqo lacageed loogu aruurinayo dadka danyarta ah ee ku tabaaleeysan gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolkani J/hoose.Â
Haseyeeshee kulankani oo galinkii danbe ee shalay ka dhacay xarunta Degmada Magaalada Kismaayo islamarkaana ay kasoo qeybgaleen xubno katirsan Masuuliyiinta ugu sarsareeysa Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo iyo hagaanka sare ee ganacsatada gobolkani J/hoose ayaa markii uu soo gabagaboobay waxa saxaafadda la hadlay Sheekh Cumar Xayaakallaah oo kamid ahaa Masuuliyiinta kulankaasi u matalayay Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo, wuxuuna shaaca ka qaaday in kulankaasi looga wadahadlayay arimo la xiriira bixinta Zakaatul fidriga iyo weliba habka laisku diiwaangelinayo.Â
Iskusoo wada duuboo Kulankani ay yeesheen Maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismayo iyo ganacsatada gobolka J/hoose aya aku soo beegmaya xilli maalmihii ugu danbeeyay Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada kismaayo ay si aad ah u dardargaliyeen dadaalada ay ku doonayaan in ay ku uruuriyaan lacagaha zakaatul fidriga ah, ayadoona la arkayay Ciidamada amaanka oo wata gawaari ay ku rakibanyihiin Qalabka codbahiyeyaasha ah oo waraaqo ay isku soo diiwaan geliyaan u goynaya Goobaha ganacsi ee ku yaal gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkani J/hoose.
Â
Â
Ismaaciil Cali
Xafiiska Wararka bartamaha
Kismayo-Somalia
Â
Comments
comments