Maamulka Gal-Mudug oo been abuur ku tilmaamay dhac la sheegay in Ciidamadooda ka geystaan Magaalada Gaal-kacyo
Bartamaha(Gaal-kacyo):-Maamulka Gal-Mudug ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay ka shaqeeyaan Ammaanka Magaalada Gaal-kacyo islamarkaana aanay ka dhac u geysan shacabka ku dhaqan Deegaanada ay ka taliyaan.
Wasiirka Amniga Maamulka Gal-Mudug Cali Diiriye Alloore oo maanta saxaafada kula hadlkayay Koonfurta Gaal-kacyo ayaa waxa uu sheegay in Ciidamdooda ay ka shaqeeyaan Ammaanka balse aanay wax dhibaata ah bulshada kula dhaqaaqin.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamadooda ay ammaan sugid ka bilaabeen Xaafadaha Dalsan Wadajir iyo Horseed Ee dhaca koonfurta Gaal-kacyo si ammaanka wax badan ay uga badalaan.
Wasiirka Amniga Maamulka Gal-Mudug Cali Diiriye Alloore ayaa waxa uu sheegay in uu ammaanka guud EE Gaal-kacyo xiligan soo hagaagayo gaar ahaan deegaanada ay ka arimiyaan Maamulkooda.
Wasiirka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhac la sheegay in Ciidamdooda ay ka geystaan K/Gaalkacyo isagoo muujiyay in Ciidamdooda ay yihiin kuwa ammaanka wax wayn ka qabtay shacabkana u naxriista.
 Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments