Calendar

maamulka dagmada wadajir oo qashin qaadis ka bilaabay dagmadaas.

n 5

Maamulka dagmada wadajir ayaa ka bilaabay hoolo nadafadeed qeybo ka mid ah dagmadaas Ololahaan nadaafadeed ayaa ka dambeeyey kadib markii uu Maamulka Degmada wadajir iyo Maamulka gobalka banaadir ayaa si buuxda isaga kaashaday ololahaan qashin qaadista ee Dagmada wadajir.

Gudoomiye ku xigeynka dagmada wadajir ee dhanka arimaha bulshada macalin max,ud saney Ayaa igu waramay warbaahinta bartamaha ololahaan nadafadeed ee maanta ka bilaawday Dagmada wadajir”si daa arkeysaan maanta wuxuu maamulka dagmada go,aan ku gaaray sidii loo Soo celinlahaa bilicda dagmada qashinka dhaxyaala ay waxaan go,aaminay inaa ka dad gureyno Qashinka dhaxyaala meelaha halboolaha u ah shacabka ku dhaqaan dagmadaan,

Sidoo kale waxaa halkaasi hadal kooban ka  jeediyay agaasimaha waaxda nadaafada gobalka Banaadir xuseen abtidoon warsame oo sheegay iney gacan buuxda ka geysanayaan dagma kasta Oo hostagta maamulka gobalka banaadir iney arimaha nadaafada kala shaqey donaan mar waliba.

Degmada Wadajir ayaa lagu tiriyaa Degmada ugu nabdoon Degmooyinka Gobalka Banaadir taas oo Loo aaneeyo Maamulka Degmada Wadajir oo ah mid ay ka go’antahay inuu horumariyo Degmada Iyo Shacabka Degmada .

Ololaahan nadaafada dagmada wadajir ka bilaabatay ayaa ah tii ugu balaarneed oo nocaan oo kale Laga sameeyo dagmada oo qashin qaadis ah malmo ka hor aye balan qadeyn maamulka dagmada Iney xil iska saari donaan arimaha la xiriira nadaafada.

 n 1n 2n 3n 6n 7n 8xafiiska wararka bartamaha : muqdisho

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: