Kullan looga hadlayay sidii maamul gobaleed loogu samayn lahaa Shabeelooyinka oo lagu qabtay Muqdisho (sawirro)
Muqdisho_ Kullan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen waxagarad, Aqoonyahano, Culima awdiin, Siyaasiyiin iyo labada guddomiye ee gobalada Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa looga hadlay sidii maamul gobaled ay udhanyihin dadka degan labada gobal loo samayn lahaa.
Intii uu socday kullanka ayaa dadka kaqaybgaalay oo gaarayay ku dhowaad 2oo – oo qof ay ka doodeen sidii loo hirgelin lahaa maamulka gobaledka labadasi gobal kakooban.
kaqayb galayasha Kullanka ayaa isku raacay in lawajaho hirgelinta maamul gobaleedka shabeelooyinka, waxaana jirin wax kala fikir duwanasho ah oo ku aadan habka loo marayo hirgelinta maamulkasi.
Masuuliyinta kaqaybgashay kullanaka aya gabagabadi isku raacay in lasoo dhiso guddi farsamo oo soo diyaariya xeerkii lagu dhaqi lahaa maulkaasi, iyo in lasoo xulo Ergooyinka kaqaybgalaysha shirweynaha maamulka.
Hirgelinta Maamulka Gobaleedka ay ka koobnadan labada gobal ee SH/Hoose iyo SH/ Dhexe ayaa waxa arin dastuurka waafaqasan ku tilmaamay xildhibanada kaqaybgalay kullanka.
www.Bartamaha.com
Comments
comments