read more »">
Calendar

Kulankii Baarlamanka oo ku soo afjarmay Fowdo iyo Natiija la’aan.

BarlamanaBartamaha (Muqdisho):- Xukumada KMG ah oo maanta kalsoonida ka dalbatay Baarlamanka ayaa waxaa kulanka oo dhan hareeyay buuq iyo Fowdo ay samaynayeen Mudanayaasha diidan xukumada.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Wasiiradiisa ayaa ku sugnaa madasha maanta lagu doonayay in Kalsoonida lagu siiyo ama lagu diido wallow Kulankii oo idil uu hareeyay buuq iyo Sawaxan aan dhamaad lahayn kaasi oo sababay in Kulanka la soo afmeero.

Xildhibaano badan oo istaagay amar la’aan ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen Erayo ay ku diidayaan Xukumada Kalsoonida ay soo waydiisanayso xiligan iyagoo sheegay in ay doonayaan Mowshinkii laga gudbiyay Xukumada.

Shirka ayaa noqday mid isku badalay Banaanbax oo kale waxaana mudanayaasha ay dul istaageen gudiga Shirgudoonka iyo Ra’iisul Wasaaraha iyagoo ku dhawaaqayay Erayo liddi ku ah jiritaanka Xukumada.

Mudanayaasha diidan Xukumada in ay xiligan soo waydiisato Wax Kalsooni ah ayaa waxa ay dalbadeen in dhammaan Xukumada ay isaga baxdo Hoolka Shirarka Baarlamanka si looga doodo Mowshinkii laga gudbiyay.

Muddo markii Hoolka Shirarka guriga Umada uu ahaa Xarun Banaanbax ayaa waxaa dibada shirka uga baxay Xukumada oo uu horkacayay Ra’iisul Wasaaraha waxaana la soo afmeeray Kulankii Maanta ee Baarlamanka oo la soo gabagabeeyay Natiijo La’aan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: