Kulanka Wadamada Xiriirka Soomaaliya oo la soo afmeeray iyo baaq wadamadaasi ay jeediyeen.
Bartamaha(Muqdisho):-Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga ayaa Xalay lagu soo afjayay kulankii 15-aad oo ayeelanayeen wadamada daneeya arimaha soomaaliya kuwaasi oo ka arinsanayay xaalada dalka soomaaliya ee xilgan.
Kooxdan Xiriirka Caalamiga ayaa kulankooda kaga arinsaday arimaha Dagaalada dowlada soomaaliya lagu wiiqay iyo dhanka kooxaha Buracad badeeda soomaaliya. Kuwaasi oo dhammaantood wadamada kulanka joogay ay sheegeen in wax laga qabandoono.
Somali Contact Group ayaa waxa ay ku baaqeen in laga dhabeeyo balanqaadyo maaliyadeed iyo mid ciidan oo wadamada caalamka qaarkood ay dowlada soomaaliya ka balqanqaadeen .
Kooxahan daneeya arimaha dalka soomaaliya ayaa gabagabidii kulankoodii waxa ay ku sheegeen in loo baahanyahay in dalka soomaaliya laga badbaadiyo dhibaatooyin haatan ay u soo hogaaminayaan raga islaamiyiinta mucaaradka.Â
Burcad Badeeda ayaa ay sheegeen in haatan talaabooyin hordhac ah laga qaaday balse ay si rasmi ah u dhamayndoonaan howlagolo ay wadaan ciidamada ay ka mid yihiin kuwa wadamadan daneeya xiriirka soomaaliya
Wadamada kulankaasi ka qeybqaadanayay ayaa ugu danbayntii waxa ay ku baaqeen in dowlada soomaaliya laga caawiyo dhanka ciidamada iyo Maaliyada si ay isaga caabiso kooxaha xagjirka ah ee weerarada ku haya xarumaha dowlada.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,Muqdisho.
Â
Comments
comments