Calendar

Kooxda Al-Shabab oo sheegtay inay ka garab dagalami doonto kooxaha kasoo horjeeda dowlada Yemen. Warbixin

Somalia Al Shabab

Alshabaab ayaa sheegtay inay tagi doonto wadanka Yemen si ay uga qeyb qaataan dagaalka ay kooxaha Al-Qacidada wadankas kula jiraan dowlada Cali Cabdalla Saalax.

Afhayeenkii hore ee kooxda Al-Shabaab Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka hadlayay tababar ugu soo dhamaaday maleyshiyaad kooxdaas ka tirsan magalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka gudbayaan badda u dhexeysa Somaliya iyo Yemen hadii kooxaha halkaas ka dagalamo u diyaar garoobaan. 

“Waxa ogaanaysaa walalaheena Yemen inaan nahay gurmadkiina… Mujaahidiinta Somalida waxa ay diyaar u yihiin inay kasoo talaabaan biyahaas yar ee inoo dhexeya oo idin soo gurmadan.. u diyaariya meeshii ay kuso gurman lahayeen” ayuu yiri Abuu Mansuur

Muqtaar Roobow waxa u ka codsaday dagaalyanada kale eek u nool Jasiirada Carabta inay dagaalada ay kooxaha dowlada Yemen kasoo horjeeda kala qeyb qaataan.

Dowladaha Yemen iyo Somaliya ayaa wali ka hadlin hanjabaada ay Shabaabka ku sheegeyn inay ka dagaal galayaan wadanka Yemen, iyadoona labada dowladood ay leehyihiin xiriir fiican.

Sameynta hanjabadda.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa tahriib ku gala wadanka Yemen, si ay nafsadooda ugala badbaadaan dagaalada hada ka jira koofurta iyo bartamaha Somaliya, kuwaas oo la fili karo inay sameyn ku yeelato hadalka kasoo yeeray kooxda Al-Shabaab.

Dowlada Yemen ayaa hore u sheegtay inay qab qabatey dad Somali oo dagaalada kula jirey kooxda Xuutiga ee dowlada kasoo horjeeda, xilli ay dagaalada ka qeyb qaadanayeen, waxana taasi cabsi galisay Somalida ku nool wadankaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku jirta liiska argagixisada wadamo faro badan oo caalamka, kuwaas oo aaminsan inay xiriir la leehyihiin kooxda Al-Qacida. Masuuliyiinta Al-Shabaab ayaa dhowr jeer ooh ore qiray inay xiriir kala dhexeyo Al-Qacida iyo kooxo kale oo meelo badan oo dunida ka dagalama.

Mohamed Abdi Nur Mascud

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: