Bartamaha(Caabud-Waaq):-Maamulka Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca Degmada Caabud-Waaq ayaa xal buuxa u helay isku dhac ka dhexeeyay beelo wada dagan Degmadaasi.
Maamulka Ahlu-sunnah ayaa in muddo ah waxa ay ku howlanayaayeen sidii ay xal ugu heli lahaayeen isku dhac ka dhexeeyay beelo wada dagan Caabudwaaq kuwaasi oo khilaaf sanado soo jiitamayay uu ka dhexeeyay.
Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa ay go’aamiyeen in mid ka mida beelahaasi ay bixisyo illaa 350-Milyan oo Sh.Soomaali ah islamarkaana ay dhiibaan illaa 100-Halaad oo Geel ah .
Beesha xukunkaasi la dul dhigay ayaa waxa ay horey u dishay shaqaale u shaqeynayay WFP sanadii 2007-xiligaasi oo xaalada khilaafka uu hawada isku shareeray.
Beesha xukunkaasi lagu riday ayaa waxa ay balan qaadeen in ay bixin doonaan xukunkaasi maadaama xal uu ka dhalanayo islamarkaana labada beel ay ku kala ammaan helay
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.