Calendar

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo sii daysay markab laga leeyahay Wadanka Giriiga .

burcdBartamaha(Eyl):-Kooxaha Burcad badeeda ayaa sii daysay markab laga leeyahay wadanka Girriga ka dib madax furasho ay ka qaateen shirkadii lahayd markabkaasi.

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Eyl Ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxaha burcad badeeda ay sii daayeen markab laga lahaa wadanka Giriiga iyagoo qaatay lacago madax furasho ah.

Burcad badeeda ayaa la sheegay in lacagahaasi loogu keenay laba doonyood oo nuuca dheereeya ah sida warku sheegayo iyagoo halkaasi ku sii daayay markabkii ka dib lacagta ay qaateen.

Ma jiro wax faah0faahin ah oo laga hayo cadada lacagta ay ka qaateen shirkada laga leeyahay wadanka Giriiga iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlada Giriiga.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: