Kenya oo Qarka u Saaran Ansixinta Dastuur Cusub
Bartamaha(Nairobi) Dawladda Kenya oo xad aad u dheer lawadaagta mid kamida jamhuuriyaddaha guul dareysatay ee caalamka tooda loogu hadal haynta badan yahay ee Soomaaliya  ayaa qarka u saaran ansixinta dastuur cusub oo ay Kenya yeelato, ilaa iyo haatan codadka la tiriyay waxay u muuqdaan iney kenya ku guulaysanayso  ansixinta dastuurkan cusub iyadoo 34% ay dastuurka diideen halka 66% ay dastuurka ogolaadeen.
Xaqiiqooyinka.
- Kenya Waxay wali leedahay dastuurkii gumeystaha uu u dejiyay sanadkii 1963.
- 2007 waxay Kenya ku sigatay burbur, kadib doorashooyinkii lagu murmay.
- Madaxweyne Kibaki iyo RW odinga waxay taagereen Dastuurka cusub.
- Madaxweynihii hore Moi iyo Wasiirka Tacliinta Sare Waxay Kasoo Horjeesteen Dastuurka Cusub.
Qaabka Codbixinta ay Maanta u Dhacday.
Maanta waxaa guud ahaanba 8 gobol ee ay ka kooban tahay jamhuuriyadda Kenya ka bilawday afti guud oo loo qaadayo dastuur cusub oo ay Kenya yeelato.
Waxaa abaarihii 6dii aroornimo ee saakay albaabada loo furay inta badan goobaha codbixinta si ay kenyanku codkooda u dhiibtaan, waxayna arintani kusoo aadaysaan iyadooo Kenya sadex sano ka hor ay ka dhacday mid kamida doorashooyinkii ugu katarta badnaa ee 10kii sano ee ugu dambeeyay ka dhacay qaaradda afrika, kadib markii ay labada xisbi ee Kenya ugu waaweyn ku murmeen natiijadii doorsahadaasi kasoo baxday.
Ogolaanshaha Dastuurka.
Inkastoo Kenya ay weli haysato dastuurkii gumeystihii ingiriisiga uu Kenya ugu soo dejiyay guriga sharciyada Britain ee Lancaster house sanadkii 1963 oo ay ahayd wakhtigii ay Kenya xoriyadeeda qaadatay hadana, dastuurkan cusub waxaa ayiday qaar badan oo kamida siyaasiyiinta ugu sareeya xisbiyada siyaasada ee Kenya sida Madaxweynaha dalka Mwai Kibaki oo ah hogaamiyaha xisbiga PNU, sidoo kale waxaa dastuurka ayiday RW dalka Raila Odinga oo ah hogaamiyaha xisbiga ugu badan baarlaamnka Kenya ee ODM, Kalonzo Musyoka oo ah madaxweyne ku xigeenka ahna madaxa xisbiga ODM-K, gudoomiyaha, baarlamaanka, Kenya ku xigeenada RW Odinga, iyo inta badan siyaasiyiinta Kenya magaca ku leh dhamaantood way taageereen dastuurkan maanta loo codeeyay.
Kibaki Othaya ayuu ka Codeeyay.
Madaxweyne Mwai Kibaki ayaa aroornimadii saakay wax yar kadib 11kii aroornimo u codeeyay dastuurka iyadoo madaxweynuhu uu codkiisa ka dhiibtay Dugsiga hoose dhexe ee Munaini Primary School oo ku yaalla degaanka madaxweyne Kibaki uu baarlamaanka kasoo galo ee Othaya oo ka tirsan gobolka dhexe ee Central Province.
Madaxweynaha oo la hadlayay Shacbiga Kenya ayaa ku booriyay iney ka qeyb qaataan ilaalinta nabad galyada kahor iyo kadib codbxinta dastuurka loo qaadayo.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay iney muhiim tahay in la codeeyo hadana dib loogu noqdo waajibaadkii qaranimo ee ay dalkooda ku hagayeen.
Aynu si nabada ku codeyno, dibna aynu ugu noqono waajibaadka aynu qaranimadeena ku dhisayno, ayuu madaxwynuhu tilmaamay.
Raila Kibera ayuu saakay ku kalahay.
Dhinaca kale Raiisul wasaaraha Kenya Raila odinga oo sadex sano ka hor ay kursiga madaxtooyada kuwada murmeen madaxweyne Kibaki ayaa codkiisa ka dhiibtay dugsigii hore ee hoose dhexe ee xaafada Kibera, degmada Langata ee magaalada Nairobi.
Raiisul wasaaraha oo markii uu codkiisa dhiibanayay ay wehelisay xaaskiisa Ida ayaa saadaaliyay in dastuurkani uu meel mar ku noqon doono in kabadn 70%.
Odinga waxa uu qiray in maanta qiime aad u weyn ay ugu fadhido shacbiga reer Kenya oo muddo badan sugayay inay yeeshaan dastuur cusub, taasina waxaad ka dheehan kartaa ayuu yiri sida ilaa iyo hadda ay shacbigu u muujiyeen rabitaankooda ku aaddan codeynta dastuurka maadaama aysan ilaa iyo hada dhicin falal nabad galyo xumo horseedi kara.
Mwingi ayuu Kalonzo Kuuradiisa kadhiibtay.
Kalonzo Musyoka oo ah madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa wax yar kadib isaguna codkiisa kazoo dhiibtay dugsiga hoose dhexe ee Tseikuru Primary School ee degmada Mwingi.
Waxa uuna madaxweyne ku xigeenku muujiyay in shacbiga Kenya ay ayidi doonaan dastuurka cusub, isagoo codeyntani ku sheegay mid aad muhiim u ah oo go’aaminaysa mustaqbalka Jamhuuriyadda Kenya.
Waxaan ku faanayaa inaan kamid noqdo taarikhdan, waxayna ii tahay wakhti aad qaalli u ah, ayuu madaxweynu ku xigeenku qiray.
Waxa uuna Kalonzo Musyoka ka codsaday Shacbiga Reer Kenya iney aqbalaan oo ay qaataan waxa kazoo baxa acodbixintan manta loo dareeray, maadama dadku ay yihiin hal qaran islamarkaana loo wada siman yahay jiritaan dalka Kenya.
Afhayeenka Baarlamaanka Kenneth Marende, oo isagu markii hore la sheegay inuu qaabka korontada oo sanadkan Kenya ku cusub ku codeeyay isagoo jooga magaada Nairobi ee caasimadda Kenya, ayaa hadana markii dambe waxa uu kasoo muuqday xarunta codbixinta ee Mumboha.
Sidoo kale xaddi aad u badan oo codbixiyayaal ah ayaa codkooda ka dhiibtay degaanka Sabatia ee gobolka galbeed, halkaasi oo sidoo kalana uu codkiisa ka dhiibtay Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka dawladaha hoose Musalia Mudavadi, oo ay weheliyeen xaaskiisa iyo sodohdiis.
Diidmada Dastuurka.
Waxaa jira siyaasiin kala duwan oo iyagu si aad ah ugu olalaynayay in la qaadaco dastuurkan cusub ee lasoo hindisay iney Kenya yeelato waxaana siyaasiyiintaasi hormuud u ah William Ruto oo wasiirka tacliinta sare ee Kenya iyo Daniel Arap Moi oo ah madaxweynihii hore ee Kenya.
Moi, oo 24 sano Kenya kasoo talinayay si aadana u qaadacay ogolaanshaha dastuurkan ayaa ayaa saaka barqanimadii codkiisa ka dhiibtay dugsiga hoose dhexe ee Moi oo ku yaalla degmada Kabarak, waxa uuna kenyanka ugu yeeray iney ilaaliyaan nabad galyada isla markaana aqbalaan wax walba oo kasoo baxa natiijada codbixinta dastuurka.
Hogaamiyaha ugu xamaadasadda sareeya kooxda NO amaba MAYA ee kazoo horjeeda dastuurkan cusub William Ruto ayaa codkiisa saakay isaguna ka dhiibtay dugsiga hoose dhexe Kasojey Primary school oo ku yaalla waqooyiga Degmada Eldoret oo ah halka laga soo doorto wasiirkaasi.
Waxa uuna wasiirkani shaaciyay in aftida loo qaadayo dastuurka aysan horseedin iney kala qeybqeybiso shacbiga Reer Kenya, isla markaana laga feejignaado ku lug lahaanshiyaha wax rabashado ah oo dhaca ka hor iyo kadoib inta loo codeynayo dastuurka.
William Ruto waxa uu saraakiisha amniga Kenya ugu baaqay iney waajibaadkooda si masuuliyadi ku jirto u gataan, codeynta inta lagu gudo jiro iyo kadib labadaba, isagoo carabka ku adkeeyay in dimuquraadiyada dhabta ahi ay tahay in la aqbalo natiijada codbixinta aftida loo qaadayo dastuurkan cusub.
Qaabka Codbixinta.
Sanadkan qaabka codbixinta ee Kenya waxa uu yahay mid si aada loo soo dhaweynayo, kadib sadex sano ka hor markii guddiga doorashada ee wakhtigaasi oo uu hogaaminayay sharci yaqaan lagu magacaabo Samuel Kiviutu oo lagu dhaliilo wax un kamida dhibaatadii Kenya ka dhacday intii uu dhacxaysay dec 2007 ilaa iyo Jan 2008, iyadoo ogolaanshaha dastuurka loo doortay calaamada cagaaran halka diidmada dastuurkana loo doortay calaamada casaanka amaba gaduudka loo yaqaano.
Si kastab ha ahaatee Kenyanku waxay saakay tooseen waabarigii si ay ugu guulaystaan iney codkooda wakhti hore dhiibtaan iyadoo ay manta fasax ahaayeen inta badan shaqooyinka, waxaana la arkayay safaf dhaadheer oo lagu bartilmaameedsanayay goobaha codbixinta iyadoo abaarihii 6dii aroornimo oo ahayd wakhtiyadii la furay goobaha codbixinta lagu arkayay muwaadiniinta Kenya oo safaf dhaadheer ku jira si ay codkooda u dhiibtaan.
Degmada Kasarani ee magaalada Nairobi oo ah halka ugu badan ee laga diiwaan galiyay codbixiyayaasha ugu badan guud ahaanba dalka Kenya, ayaa waxay u muuqanaysay in codbixiyayaashu aysan ku qanacsanayn qaabka hoose ee ay ku socotay codbixintu taasi oo ka duwan wakhtiyadii hore qaabkii Kasaranio codbixinta looga dhiiban jirey.
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka.
Guddiga doorashooyinka Kenya oo ah guddi kumeel gaar ah waxaa la dhisay kadib sanadkii 2008 markii ay Kenya ku guulaysatay iney ku heshiiso dawlad wadaag ah oo dhex martay xisbiyadii kuwada murmar hogaaminta Kenya, waxaana guddigani hogaamiye u ah Axmed Isaaq Xassan oo ah Sharci yaqaan Soomaali ah oo kasoo jeeda gobolka waqooyi bari ee Soomaalidu Kenya ka degto.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in qaabka codbixintu ay manta u dhacday si wanaagsan iyadoo in kabadn 50% dadka codbixiyayaasha ah ay codkooda dhiibtaan.
Waxa uuna mid kamida shir saxaafadeedyadiis kii ugu horeeyay ee uu maanata qabtay uu ku sheegay in dadka ugu badan ee codkooda dhiibtay ay noqdeen dadka ku dhaqan gobolka Nyanza oo ah halka uu kazoo jeedo RW raila Odinga, halka 80% ay ahayd KIsii oo katirsan gobolka Rift Valley.
Sida uu xaqiijiyay mid kamida masuuliyiinta gudiga doorashada ee KMG ee Kenya maantay 12kii duhurnimo 50% dadka is diiwaan galiyay way codeeyeen
Qaar kamida 27 deegaan ee laga soo codeeye ayaa dadku waxay ka cabanayeen in magacyadooda laga waayay liisaska codbixinta goobaha ay ka diiwaan gasahan yihiin, taasi oo ka hor istaagtay iney codeeyaan, wanaa degmooyinkaasi kamid ahaa Vihiga iyo Embakasi.
Richard Onyango oo kamida gudiga KMG ah ee doorashooyinka Kenya ayaa ku booriyay dadka liiska codbixinta laga waayo in magacyadooda laga fiiriyo buug uu ku sheegay buugga cad kaasi oo kayd ahaan loo isticmaalayo, si looga hortago cabashada dadweyanaha Kenya ee codkooda dhiibanaya.
Dhinaca Ammaanka iyo Saitoti.
Wasiirka amniga gudaha proff George Saitoti ayaa shacbiga reer Kenya u xaqiijiyay in amniga gobolada dalka oo dhan sare loo qaaday si Kenyanka loogu xaqiijiyo iney gutaan waajiboodkaada islamarkaan ay codkooda ku dhiibtaan si dumuquraadiyadai a ku dheehan tahay, dastuurkan cusub ee loo soo hindisay iney Kenya yeelato.
Wasiirka oo ka hadalayay dugsi ku yaalla Faras magaalaha xaafada Ngong ee waqooyiga degmada Kajiado oo uu wasiirku codkiisa ka dhiibtay.
Maxaabiis Ka Qeyb Qaadatay Cod Bixinta.
47 maxbuus oo kamida dadkii iska diiwaan galiyay degmada Thika kuna jiray jeerlka Thikna ayaa 35 kamida waxay codkooda dhiibteen 7dii aroornimo ee saakay.
Dhinaca kale waxay farxad u ahayd 156 maxbuus oo qaarkood ay ku xukuman yihiin ciqaabta ugu adag dalka Kenya, kuwaasi oo ku jira xabsiga degmada Naivasha ee gobolka Rift Valley, iyagoona ka qeyb qaartay codbixinta dastuurka.
Maxaabistani waxaa ku jiray 53 maxbuus oo ku xukuman xabsi daa’in oo iney xabsiga ku jirayaan inta cimrigooda ka dhiman, iyadoo hadana maxaabiistaasi ay muujiyeen farxad ku aaddan in loo ogolaaday iney ka qeyb qaataan codbixinta dastuurka.
Maxaabistan oo labisna dharkooda xabsiga iyo kabo sandal ah ayaa codkooda dhiibtay abaarihii 8dii aroornimo.
Dhinaca kale 94 maxbuus oo iyaguna ku xiran xabsiga kodiaga ee magaalada kisumu ee xarunta gobolka Nyanza ayaa la wadaagay codbixinta shacbiga kale ee reer Kenya ee go’aan sanaya mustaqbalka dalkooda si u ogolaadaan amaba u diidaan dastuurkan cusub.
Dastuurka iyo Soomaalida Kenya Ku Nool.
Marka laga hadlayo dastuurka Kenya iyo Soomaalida ugu horeynba waxaa kugu soo dhacaysa Soomaalida ku nool Kenya.
Soomaalida ku nool Kenya waxay u qeyb samaan sadex qeybood oo kala ah.
Soomaali u dhalatay Kenya qeybna ka ah dadka codeynaya iyo waliba masuuliyiinta ka shaqeynaya suurta galnimada isbadelada Kenya la filayo iney ku tilaabsato ka hor doorsahada guud ee 2012.
Soomaalida qeyb kamid ah waa qeyb qaxooti ku ah dalkan Kenya gaar ahaan ku nool islamarkaana ka ganacsada magaalada Nairobi kuwaasii oo aanan ka qeyb qaadan Karin codbixinta balse ay suuro gal tahay iney yeelato maxsuulka kazoo baxa ansixinta iyo diimada dastuurka.
Qeybta sadexaadbna waa jaaliyadda dibeda oo qaar badan oo kamidfa intay kazoo noqdeen dalal kamida qaaradda yurub iyo waqooyiga mareykanka nolol cusub ka bilaabay gudaha Kenya aar ahaan magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo qaar kale.
Soomaalida iyo Dastuurka Kenya.
Soomaalida u dhalatay dalka Kenya waxaa intooda badan laga filayaa iney ayidaan dastuurkan cusub ee laga filayo iney yeelato jamhuuriyadda Kenya.
Gobolka waqooyi bari iyo kumanaanka kale Soomaalida ah ee ku nool gobolada Kenya ayaa iyagu waxay u muuqdeen kuwo intooda badan la safan kooxda YES amaba HAA oo ah kooxda taageersan ansixinta dastuurkan cusub.
Xubnaha barlamaanka ugu jira SAoomaalida Kenya waxay intoodu kamidaysan yihiin taagerada ansixinta dastuurka iyadoo ololihii ugu dambeeyay ee lagu qabtay xaafadda ay Soomaalida ugu badani Nairobi ka dagan tahay ay dastuurka taageero ugu muujiyeen xubnaha baarlaamnka ku jira iyo waliba sidoo kale qaar kamida xubnihii hore ee baarlamaanka Kenya sida Ilyaas Barre Shiil.
Doorka Soomaalida iyo isbadalada Kenya.
Waxaa isa soo tarayay tan iyo sanadkii 2008 doorka ay Soomaalidu ku leedahay maamulka iyo gacan ku haynta isbadelada Kenya laga dhawarayo iney ku tilaabsato ka hor doorashada guud ee sanadka 2012, taasi oo looga gol leeyahay si aysan rabshado doorasho mar dambe ugu soo noqon taariikhda Kenya.
Guddiga Baarlamaaniga ee Dastuurka.
Guddiga inta badan bilawga u ahaa aasaasida dhamaan gudioyada KMG ah ee Kenya ay isbadaladu ku beegsanayso waa guddiga barlamaaniga ah oo uu hogaamiyo Maxamed Cabdiqaadir oo ah xildhinaa Soomaaliya oo laga soo doorto degmada Mandera ee gobolka waqooyi bari.
Waana guddiga ay golaha sharci dejinta Kenya u doorteen inuu ka shaqeeyo isbadelada ay Kenya doonayso iney hormariso waxaana qorshayaashiis agudigaasi lambarka koowaad uga jirey ansixinta dastuur cusub oo ay Kenya yeelato.
Guddiga Kumeel gaarka ah ee doorashooyinka.
Guddigani waa gudiga ka masuulka ah dhamaan codbixin walba oo Kenya ka dhacaysa waxaana hogaamiye u ah sharciyaqaana kasoo jeeda magaalada gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari.
Axmed isaaq Xassan, waxa uu noqday gudoomiye badalay gudoon iyo gudigii doorsahada ee hore ee Kenya oo ahaa mid aysan jeclayn shacbiga Kenya iyadoo guddiga doorashooyinku uu yahay guddi hawshiisu ay adag tahay islamrkaana horseed u noqon kara horumar iyo qalalaase labada ka dhaca jamhuuriyadda Kenya.
Taageerada Gobolada iyo Dastuurka.
8 gobol ee ay kqa kooban tahay jamhuuriyada kEnya waxaa horey u jirey saadaal laga bixinaya codadka ka imaanaya iyo ogolaanshaha amaba diidamada dastuurka cusub iyadoo la saadaaliyay in diidmada ugu badani ay ka imaan doonto gobolka ugu qeyn dalka Kenya oo ah gobolka Rift valley waana gobol inta badan xudun u ahaa rabashadihii dhacay 2007dii kadib, hase ahaatee 7 gobol ee kale ayaa iyaga la filayaa iney u ayidaan islamarkaana ogolaadaan dastuurka cusuib ee lagu wado iney Kenya Yeelato.
Cod Bixinta Guud.
Dookha           Tirada                        Jajab boqolle.
YES ‘HAA,       2,986,106 codbixiyayaal              66%
NO ‘MAYA       1,517,106 codbixiyayaal              34%
Cabdiqafaar Shire.
Chief Editor,
Bartamaha., Somali Breaking News and Video Community.
Comments
comments