Calendar

Kenya oo beenisay jiritaanka Ciidamo dalkeeda laga qorayo tababarna loo furay.

musyokaBartamaha(Nairobi):-Dowlada Kenya ayaa beenisay warar tilmaamayay in tababar uu ka socanayo Dalkaasi kaasi oo maleeshiyaad Soomaali ah lagu aruurinayay Dalkaasi.

Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Kenya Moses Wetang’ula ayaa shaaca ka qaaday in Dowladiisa aanay ka warhaynin wararka la faafiyay ee sheegaya in Dalkaasi lagu tababarayo Maleeshioyaad Soomaali ah.

Wasiirka ayaa sheegay7 in Dowlada Kenya aanay dani ugu jirin Ciidamo lagu tababaro dalkaasi isagoo sheegay in Kenya ay jirtay tababar ay xilli hore siisay Booliiska Dowlada Kmg ah Ee Soomaaliya balse xiligan aanay marnaba tababar siinin maleeshiyo kale.

Moses Wetang’ula ayaa shaaciyay in Dowlada Kenya ay baaritaan ku wado wararkaasi halkii laga keenayay iyo hadii uu socdo tababar qarsoodi ah oo laga wado gudaha Dalkaasi Kenya.

Dhawaanahan ayaa waxaa soo badanayay Eedeymaha ay jeedinayaan Islaamiyiinta Soomaaliya iyo waalidiinta ku dhaqan Gobolka Woqooyi Bari Kenya kuwaasi oo walaac ka muujiyay tababar u socanaya Maleeshiyaad Kenyan iyo Soomaali leh.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: