Calendar

Jaamacadda SAVANNAH oo soo bandhigtay heshiis dhinaca Waxbarashada ah oo ay la gashay Jaamacada Jommo Kenyatta (SAWIRRO)

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Xarunta Jaamacada SAVANNAH ee Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu soo bandhigay heshiis ay jaamacaddu la gashay jaamacadda Jommo Kenyatta oo ku taalla dalka Kenya, taasoo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno, arday, ururada bulshada rayidka, madaxda haamacadda iyo marti sharaf kale.

Munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay heshiis dhinaca waxbarashada ah oo ay wada galeen jaamacadda Savannah oo ka mid ah jaamacadaha ka jira dalka iyo jaamacadda Jommo Kenyatta ee dalka Kenya.  Waxaa munaasabadaas ka hadlay xubno kala gedisan oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha jaamacadda SAVANNAH, Prof. Maxamed Cabdiweli Sheekh Yuusuf isagoo faahfaahin ka bixiyay heshiiska ay wada-galeen jaamacadda Jommo Kenyatta.

“Heshiisku wuxuu dhigayaa in jaamacadda Jommo Kenyatta ay jaamacadda Savannah ka caawiso shahaadada Master degree si ardayda Soomaaliyeed loogu fududeeyo iyagoo dalkooda jooga inay Online-ka kaga qaadan karaan jaamacada Jommo Kenyatta shahaadada Master Degree-ga,” ayuu hadalka ku yiri guddoomiyaha jaamacadda SAVANNAH.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in heshiiskan ay faa’iido badan ugu jirto ardayda Soomaaliyeed ee dooneysa inay iyagoo dalkooda jooga ka qaataan shahaadada Masterka jaamacado dibadda ah oo aqoonsi buuxa ka haysta caalamka, isagoo xusay in ardayda qiime jaban lagu siin doono masterka.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: