Jaamacada Plasma ee Muqdisho Oo laan kale ka furatay Kismaayo.
Xaflad aad u balaaran oo lagu furayay laan kamid ah laamaha jaamacada Plasma ee Muqdisho ayaa waxaa ay manta ka dhacday gudahamagaalada Kismaayo, waxaana xafladaasi xargi looga jarayay jaamacada ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada ee kismaayo ku dhaqan
Mr Siraaje AadanMaxamed,oo ah maamulaha laanta jaamacada Plasma ee manta magaalada Kismaayo laga furay,ayaa waxa uu sheegay in laantani ay kamid noqon doonto laamaha kale ee Plasma ay ku leedahay gobbalada dalka sida,Banaadir,Shabeelaha Hoose,Hiran iyo Jubbada Hoo oo manta laga furay.
“Waa macadka caafimaadka ee plasma,waxaana ay xarunteeda weyn ay ku taalaa Muqdisho waxaana dhidhibada loo taagay laanta Kismaayo taariikhdu markay ahayd 8/7/200 ayadoona bishan hada aynu ku jiro si toos ah ay daruustu u bilowdeen,†ayuu yiri maamulaha laanta jaamacada Plasma ee Kismaayo’’
Siraaje Aadan Maxamed,ayaa waxa uu intaasi ku daray in kulyadaha hada ay jaamacadu dadka barto ay tahay labo kulyadood kuwaasoo kala ah Nourse&sheybaarka,waxaana intaasi noo waheliya qeybta dhisida aqoonta ee ardayda,ayuu yiri Mr Siraajeâ€
Waa jaamacadi labad oo magaalada Kismaayo laga yagleelo, tan iyo wixii ka dambeeyay bur,burkii dowladii dhexe ee Somalia,sanadkii 1990.
Ismaaciil Cali Cabdi
www.Bartamaha.com
Kismaayo-Somalia
Comments
comments