Calendar

Indha Cadde iyo Saraakiil kale oo maanta Bakaaraha gaaray.

indhacadeBartamaha(Muqdisho):-Sheekh Yuusuf Indha Cadde iyo Saraakiil kale ayaa maanta gaaray qeybo ka mida Suuqa Bakaaraha.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Dowlada KMG ah Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde iyo saraakiil Dowlada ka tirsan ayaa maanta dagaal kooban ka dib gaaray Isgoyska Howl-Wadaag iyo Saldhiga Degmadaasi.

Ciidanka Indha Cadde ayaa waxa ay qabsadeen Isgoyska Howl-wadaag waxaana ku wehlinayay askar ka tirsan Ahlu sunnah Wal Jamaaca oo aaga dagaalka ay isla wadaagayeen.

Dagaalka ka dhacay Isgoyska Howl-wadaag iyo Xaafadaha ku teedsan Saldhiga Howl-Wadaag oo ku dhow Suuqa Bakaaraha ayaa sababay qasaara kala duwan iyo Ciidanka Dowlada oo gaaray hormar daqiiqado ku kooban.

Ciidanka galay dagaalka Howl-Wadaag ayaa waxaa si gaar ah ay uga amar qaataan Yuusuf Indha Cadde oo hadda ku magacaabayu Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga waxaana ay gaareen Suuqa Bakaaraha wadooyinka laga galo sida Isgoyska iyo Wadada Biya Maalow oo ka baxda Saldhiga Howl-wadaag.

Dad arkay Indha Cadde ayaa www.Bartamaha.Com u sheegay in uu soo gaaray saldhiga Howl-Wadaag wallow markii danbe ay dib uga laabteen isaga iyo rag Saraakiil Booliis u badan oo aan magacyadooda la ogaan.

Dagaalka maanta ka dhacayay Muqdisho ayaa dad badan ay aaminsanyihiin in Islaamiyiinta ay is dhigteen marka loo eego Xaafadaha Degmooyinka Hodon iyo Howl-Wadaag oo la aaminsanyahay in ay ciidankii difaaca lahaa loo weeciyay dagaalka oo ku xooganaa dhanka Woqooyiga Muqdisho.

Wax war ah kama soo bixin Yuusuf Indha Cadde oo maalmihii la soo dhaafay lagu ogaa caro uu u baqo rassa ugu sareeya Dowlada KMG ah oo qarax dhawaan isaga lala beegsaday uu ku Eedeeyay Madaxtooyada.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: