Calendar

in ku dhaw 20 qof oo ku dhimatay dagaalka dheg tuur iyo baaq ahlu suna.

alqaadi

Afayeenka guud ahlu suna waljamaaca sh c/raxmaan abuu yuusuf  al qaadi oo maanta la hadlaaya Saxaafadda ayaa ka cod saday belaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya  dheg tuur iney joojiyaan Dagaalka

Abuu yuusuf al qaadi afayeenka guud ee maamulka ahlu suna wajamaaca waxa uu sheegay iney Tahay wax aan la firsan Karin dagaaladaas oo wax sabab ah aan laheyn balse sheegay iney ka Danbeyaan kooxda shabaab iney gacan buuxda ku leyihiin hurinta dagaaladaas .

Ugu dambeyn afayeenka guud ee maamulka ahlusuna al qaadi wuxuu sheegay in maamullada Ahlusuna igu baqayaan in la joojiyo dagaaladaas halkaas ka soo cusboonaaday cid waliba oo Gacan ka kesankarta iney gacan ka gesato dagaalada soo laa labtay ee ka dhacaya Dheg-tuur.

Dagaalka maanta waa mid aad uga culus kuwii hore marka loo eego waxaana dhinacyada dirirta Dhaxmareyso ay isku adeegsanayaan madaafiic iyo hub culus  wararka halkaasi laga helaayo  ayaa Sheegayaan in dhaawacyadii ka dhashay dagaalka iyo dhimashadii  qaarkood in maanta  la Gaarsiiyay isbitaallada magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado oo ay labada beelood kasoo kale Jeedaan.

Tirade dhimashada ayaa gareysa 20-qof oo dhinacyadii dagaalameysay ah in ka badan 25 qof ayaa Ku dhaawacmay ugu yaraan dagaalkaasi ka soo cusboonaaday degaanka dheg tuur ee gobalka Mudug .

Si kastaba ha ahtee Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadkii ku noolaa deegaanka lagu dagaalamay Ay bilaabeen inay halkaas isaga cararaan si aysan waxyeello uga soo gaarin rasaasta ay labada Dhinac is widaarsanayaan.

 d 2d 1xafiiska wararka bartamaha : muqdisho

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: