Calendar

idaacada risaala oo deeq rashiin ah garsiisay dad barakacayaal ah.

m 2

Maamulka idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa maanta deeq caawinaad ah gaarsiiyay Dadkii dhawaan ka soo barakacay abaaraha dhawaan ku dhiftay gobalada dalka somalia qaar.

Waay adkeyd dhaqdhaqaaqyo aay sameeyaan dadka goobta joogay , waxaa ka muuqatay daruufo Adag,  goobta markii aay tageen gudiga gurmadka deeq arurinta idaacada risaala waxaa ku soo Xoomay caruur faro badan oo qaar kood socodka dhib ku ahaa maadaama aay naafoobeen Lugahoodii.

Ku dhawaad 11 caruur oo dhibaato daran ka muuqata waalidiintoodana la sheegay inay lagu dilay Shabeelaha hoose meel ka mid ah ayaa goobta joogay.

Caruurtaasi ma aysan haysan wax dhar ah aay howdaan waxay ku hoosjireen aqal laga sameeyay Qoryo leys saaray lagu daday milfo ama marooyin dhamaad ahaa qaarkood  caruurtaasi waxay Ahaayeen naafooyin oo sida naloo sheegay waxay ku naafoobeen saameynta abaaraha aay ku Yeesheen.

Ku dhawaad 7 kaam oo ku yaal degmada wadajir ayaa maanta idaacada risaala aay gaarsiiyay Deeqo aay ka soo ururiyeen qaar ka mid ah dhagaystaasha idaacada iyo shaqaalaha risaala. 

Kaamka oo lagu magaacabo midowga dalada barakacayaasha alcadaala ee degmada wada jir Waxaa ku jiray qoysas gaaraya 990 qoys qaarkood baahida darteed aay u barareen.

Inkastoo baahida dadkaan aaysan dabooli karin waxa la gaarsiiyay maanta dadka dhibaataysan Ayaa kaamka aan booqan waxa ka muuqatay daruufo adag

Dadka ma aysan haysan meelo aay ku saxaroodaan qaarkoodna waxa la sheegay inay soo Wajahday caafimaad daro.

Dadka qaar ayaa la sheegay in la gaarsiiyay ibitaalka banaadir ee magaalada muqdisho ka dib Markii goobta aay degen yihiin barakacayaasha uu ka dilaacay cudurka jadeecada

Horjoogayaasha ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka barakacayaasha loo sameeyo suuliyo Ama musqulo aay ku saxaroodaan.

Faadumo Maxamuud Maxamed waa horjoogaha dalada barakacayaasha ee alcadaala waxa aay Sheegtay in kaamamkaasi aay malintii ugu yar tahay aay soo gaaraan ku dhawaad 60 qoys oo ka Soo barakacaya gobalada abaraaha ka jiraan                                        

Hooyo binti Ibraahim waa mid ka mid ah hooyooyinka kaamka jooga waxa aay sheegtay inay ka Timid degmada marka ee gobalka shabeelaha hoose waxay cadeysay inay soo socotay muddo 18 Maalmood ah ayna dhibaatooyin xoogan la soo kulantay intii aay soo lugaynaysay.

Waxay si aad ah usoo dhaweysay deeqda kaga timid walaalahooda idaacada rislaana aay Gaarsiisay iyadoo sheegtay inay wadato shan caruur ah xoolihii aay dhaqan jirtayne aay abaaraha Ka dhameeyeen.                                           

Idaacada ayaa maanta dadka dhibaataysan gaarsiisay raashiin aay ku soo iibisay ku dhawaaq 9991 Sh.so oo aay ka soo ururiyeen qaar ka mid ah dhagaystayaasha idaacada risaala iyo shaqaalaha Idaacada oo is xilqamay. 

Maamulka idaacada ayaa sheegay inay sii wadayaan baaqyada ku aadan wax u qabashada dadka Dhibaataysan iyagoona xusay inay sii wadayaan barnaamijyadaan ceynkaan oo kale ah.

 car 4car 5car 6car 7car 8car 9xafiiska wararka bartamaha : muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: