Idaacada Codka Nabada GBC oo maanta baaritaan uu ku socday albaabyadana loo laabay.

Posted on Apr 15 2010 - 1:25pm by News Desk
Tweet
Pin It

FMBartamaha(Muqdisho):-Kooxda Xizbul Islaam ayaa maanta waday howlgal baaritaan guud ah oo ay kula socanaysay dhaqdhaqaaqa Idaacada GBC.

Saraakiil ka tirsan Xizbul Islaam ayaa shalay isla gartay in si toos ah loo xero Idaacada GBC taasi oo loo haysto maqalka Idaacada Barkulan oo ka soo gasha Mowjada Idaacadaasi.

Maanta ayaa waxaa socanayay baaritaan balaaran oo ay Maleeshiyada Xizbul Islaam samaynayeen waxa ayna dusha sare ka dageen dhismaha Idaacadaasi.

Shakki xoogan ayaa taagan kaasi oo Idaacada maamulkeeda ay ku doodeen in Mowjada ay awood ah uga dul hadasho Idaacada Barkulan balse aanay iyagu tabin Idaacadaasi.

Kooxda Xizbul Islaam ayaa cadow ka dhigatay Idaacada Barkulan oo ay sheegeen in ay leeyihiin Amisom wallow taasi aanay si rasmi ah u cadaynin madaxda Idaacadaasi.

Idaacada Barkulan iyo GBC ayaa waxaa la hadal haayay dhawanahan in heshiis ay galeen iyadoo la helay sixiix guud oo loogu heshiiyay Mowjadaasi in Barkulan lagu wareejiyo wallow maamulka Idaacada GBC ay taasi been abuur ku tilmaameen.

Lama oga shakiga Kooxda ku jira sida uu uga bixi doono maadaama la isku hayo sababta ay uga soo gasho Barkulan mowjada FM-ka ah 98.0 oo ay lahayd Idaacada Codka Nabada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.