Huuno, Ma Xamaraawi ayaa tahay?
Waxaan fursad u helay in Diyaaradda ka soo dago aniga oo Garoonka oo ay iiga muuqdeen Gawaaridda Ciidanka AMISOM aan isha mariyay dabcana Qalbiga ayaan ka ilmeenayay waxaana niyada ka tiri “Taloow goormaad ka bixi doontaan Guuldarada idinku dhacdayâ€. Caasimad Airport-geeda ay joogaan ciidan Ajaanib ah, dad aanan aqoon waxa ay isku dagaalayaan. Nasiib daro.
Xaafadda Buula Xuubeey oo Garoonka Aden-Adde International Airport aan sidaas ooga sii fogeyn garoonka oo ay waalidkeey, walalo iyo asxaaba daganyihiin waan jecla in aan soo maro balse waqtiga transit-ka ee aan heesanay iyo amaandarada jirta darted ayaa kaliftay in aan ku hakado Garoonka.
Gabar da’ yar oo aan u gartay in ay qurbaha ka timid ayaa markii aan Garoonka Muqdisho soo caga dhiganay oo diyaaradii aan banaanka ooga soo dhaadhacnay iska ilmeeysay, dabcana waxaan dareemayay in dalkeedii uu dhibaatada ku habsatay ay tahay wax laga xumaado.
Mid ka mid ah dadkii diyaaradda aan wada saarneen oo ku sheekeesanay Garoonka Muqdisho kana yimid dalka Sweden ayaa igu yiri “Muqdisho waxaa iigu danbesay 1989, xilligaas oo aan u arkayay In dalka xaaladiisa aysan fiicneen, balse hadda garoonka waxaa iiga muuqda dhibaato, dhulkii Qurxoonaa ee Caasimada Soomaaliyana waa lagu ciyaarayâ€â€¦. “Aad baan ooga xumahay waxa nagu dhacayâ€. Qof walba oo Soomaali ah waxa nagu dhacay ayuu la murugoonayaa balse ilaa goorma ayay dhibaatadan sii socon doontaa.
Intii aan joogay Garonka Aden-Adde International Airport waxaan ku arkay dad aan badnen oo aan waji garanayo balse wax dhibaato kale ah kuma aanan arag oo aan ka aheyn in Ciidan Ajaanib ah ay inoo waardiyaan Garoonka anaga markaan garan waynay in aan danaha guud si wada jir ah u ilaalino.
Magaaladda Berbera.
Saacad Duulimaad ah kadib waxaan soo caga dhiganay Garoonka Diyaaraddaha ee Magaaladda Berbera iyadoo xilligaasi Jawiga uu ahaa in ka badan 45°C waxaana socotay dabeel kulul balse markaan wareestay dadka Deegaanka waxa ay ii sheekeen in hadda xaaladda ay dagantahay balse marka aysan dabeeshan kulul jirin uu jawiga yahay mid huur ah oo aan loo adkeesan Karin.
Magaaladda Berbera oo ah magaalo Qadiimi ah dabcan waa magaalo xeebeed ganacsiga iyo dhaqaalaha, waana goobta dhaqaalaha ugu badan ka soo galo Maamulka ka magac baxay Somali-(land).
Berbera iyo shaqooyinka ka socda?
Magaaladda Berbera oo ah magaalo dabcan Qadiimi ah taarikh dheerna ku leh guud ahaan dalka Soomaaliya waa Magaalo Istiraatiiji ah waxana ku taal Degad Caalami ah shaqooyinka Degadan ka socdana waxa ka mid ah.
1.Dowladda Ethiopia waxaa ooga soo daga Badeecado badan iyadoo Maamul-ka Somali-(Land) iyo Dowladda Ethiopia uu ka dhaxeeyo heshiis dhanka Dhaqaalaha iyo amaanka ah, waxaana Maamulka Somali-(Land) heshiiskan ka soo gala dhaqaalo fiican.
2.Dekadda Berbera waxa laga dhoofiya Xoolaha Nool oo sidoo kalle Dhaqaalo badan guud ahaan Soomaalida uu ka soo galo dhoofinta Xoolaha nool.
Markii aan Berbera ka soo dagnay waxaan sii marnay Laanta Socdaalka ee Maamulka Somali-(land) waxaana la iska qaadaa lacago sharci ah anigoo ku socdaalayay passport-ka cusub ee E-Passport ee Dowladdii C/laahi Yusuf laga dhaxlay inkastoo aanan laga aqoonsaneen Maamul-ka Somali-(Land) haddane waa lagu socdaalaa, waxaan dhiibay lacag $35 ah.
Kadib waxa la I waydiiyay su’aalo kooban ugu horeyntiba waxa la igu yiri ma Xamarawi ayaa tahay? Oo loola jeedo ma Muqdisho ayad ka timid, Su’aalaha kalle ee Laanta Socdaal-ka ay ku waydiineeyso waxaa ka mid ah sida Halkee ka timid?, Ujeedka aad Somali-(land)u timid maxay tahay?, yaad ka garaneysaa Magaaladda?.
Su’aalo iyo xogwareesi kadib waxaa la ii soo celiyay passport-kii waxaana la ii sheegay in aan Magaaladda Hargeysa gali karo, balse dadka Muqdisho ka yimaada ee Xamaraawiga ah meeshan lagama jecla gaar ahaan Dhalinyaradda ayuu igu yiri ninkii Migration-ka fadhiyay oo ah nin da’a ah balse markii danbe aan maqlay in uu ka shaqeyn jiray laantii Socdaalka ee Dowladdii Soomaalia ee uu Madaxwaynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Madaxwayne Mohamed Siyaad Barre.
Kadib waxan soo wajahnay Magaaladda Hargeysa ee xarunta Maamulka Somali-(Land) oo dabcan aan ku faraxsanaa in aan arko.
Magaaladda Hargeysa iyo waxyaabihii aan kala Kulmay?
Magaaladda Hargeysa oo ah Caasimada Labaad ee Jamhuuriyada Soomaaliya balse haatan ah Caasimada Maamul-ka Somali-(Land) waa Magaalo Magac weyn ku leh guud ahaan Soomaaliya wax badana waan ku haminayay in aan booqdo ugu danbeyntiina waxaa ii suura Gashay Alle Mahadii in aan aniga oo caafimaad qabo aan booqdo si wanaagsana waxaana halkaas igu soo dhaweeyay asxaab qiimo badan leh.
Hargeysa waa Magaalo Mustaqbal Ifeeysa leh dadka ku noola waa dad ay ka go’antahay in ay horumar gaaraan, waxaa magaaladda ka socda Dhismayaal qurux badan, waxaad arkeeydaa goobo ganacsi dadkana waa dad diyaar u ah in ay heer sare ka gaaraan Nolasha.
Guud ahaan Magaaladda waxaan soo mariyay cagta, waxaan booqday Goobo taariikhi ah oo aan jeclaa in aan arko, xarumaha Maamul-ka Somali-(Land), Meelo taarikhi, Hotel-ladda Magaaladda ugu cansaan ee Ambassor iyo Mansoor oo aan in badan maqlay iyo astaamo badan oo aan sawir ahaan u arki jiray.
7 Maalmood oo aan joogay Hargeysa waxaan dareemayay farxad iyo in aan ku dhax noolahay Soomaali iyo dad aan is fahmeeyno, waxaan dareemayay in dadka Deegaankaas ku nool ay ka go’antahay in ay Nabadda ka shaqeeyaan, waxaan dareemayay in Nabad haddii ay jirto wax walba ay suuragalyihiin dabcan Maamul-ka Somali-(Land) si wanaagsan ayay ooga shaqeeyeen Nabada guud ahaan. Waxaana u rajeenaya nolal guulo intaas ka badan in ay gaaraan.
Markii aad gasho Maqaayadaha waxan dareemeeysaa in lagu dareemayo oo waxaa lagu oranayaa “Huuno ma Xamaraawi ayad tahayâ€
Hargeysa intii aan joogay wax dhibaato ah kalama kulmin, iyadoo Amaanka uu yahay waxa ugu muhiimsan ee aad dareemeeyso balse jidad la’aan ayaa ah dhibaatada ugu badan ee heesata.
Dalka Djibouti iyo Ma Xamaraawi ayad tahay?
Dalka Djibouti waa dal aad u yar dadkiisuna aanan tiro ahaan gaarin Hal Malyan oo qofood sidoo kalle waa dal ay xarumo Ciidan ku leeyihiin dalalka Faransiisa iyo Mareekanka.
Dalka Djibouti waa dal amaan ah, Dowladda iyo dadwaynaha waxa ay ka wada shaqeeyaan sidii amaanka loo xoojin lahaa isla markaana dalka horumar loo gaarsiin lahaa inkastoo shaqo la’aan baahsan ay ka jirto guud ahaan dalka Djibouti iyadoo dadka ay dowladda farta ku fiiqayyaan iyo in ay jiraan wax is daba marin “corruptionâ€.
Djibouti marka aad timaado waxa la garanayaa in aad Soomaaliya ka timid inkastoo dadka luuqada ay ku wada hadlaan ay tahay Af Somali, Franch iyo Luuqada Carabiga oo dad badan ay ku hadlaan, luuqada Soomaaliga wa lagu wada hadlayaa balse lahjada ayaa lagu kala dawanyahay midaas ayaa cadeeneeysaa in aad tahay qof meesha ku cusub mana jirto cid ku dhaheeysaa maxaad halkaan u jeedaa ama ka qabaneeysaa.
Huuno, Ma Xamaraawi ayaa tahay?
Berbera, Hargeysa iyo dalka Djibouti marka aad ku hadasho af Soomaali iska caadi ah… waxaan ula jeedaa aysan ka muuqan lahjad ama gobal gaar ah…. waxaa lagu fahmayaa meesha aad timid in ay tahay Koonfurta Soomalia, waxaa lagu fahmayaa in aad tahay qof meesha ku cususub sababtuna waa dadka deegaadan ku nool waa dad isku Lahjad ama isku qaab u hadla intooda badan, waxaa jiro erayo badan oo ay wadaagaan oo haddi aadan aqoon ay dhib noqon doonto in aad is fahamtaan.
Markaan Garoonka Berbera ka soo dagay waxa la igu yiri “Oo ma Xamaraawi ayad tahay†sidoo kale marka aan imid magaaladda Hargeysa marka ad tagto goobaha wax lagu iibiyo waxaa lagu leeyahay “Xamaraawiâ€, balse Djibouti waxa lagu leeyahay reer Soomaaliya.
Dalka Djibouti oo aan dhanka Dhulka ka soo galay oo aan marayo xarunta ugu danbeysa ee ciidanka Maamul-ka Somali-(Land) ay joogaan ee la yiraahdo Lowya Cadde waxaa su’aal I waydiiyay nin ka tirsan ciidanka xadka jooga ee ka tirsan Maamulka Somali-(Land) wuxuuna igu yiri “Qabiilkee tahay†markaas ayan ku tiri waxaan ahay Somali kadib inta uu iga aamusay buu igu yiri “Xamaraawi ayaad tahay soo mahan†si hoose ayaan u dhahay in aad tahay Xamaraawi ma danbiyaaa.. Ilaahey Amarkiis…
Sidoo kalle intii aan Djibouti joogay dad aan badneyn aya ku oranaya ma
Xamaraawi ayad tahay sababtuna waa marka aad I fahmi waysaan balse sida meelaa qaar aan ku soo arkay way ka wanaagsaneyd Djibouti.
Erayada aan la yaabay waxaa ka mid ah.
 Laxoox= oo loo yaqaan Canjeeladda la cuno.
 Fooq= waxaa loo garanayaa Daqa ama dhismaha isi saarka.
 Kaniif= waxaa loo garanayaa Musqusha mararka qaarna Suuliga waa loo garanayaa.
 Biyo la laaqay= waa biyo la qasay sida Canaas, canje orange ama wixii la mid ah.
 Xab-xab= waxaa loo garanayaa Qaraha la cuno.
Waxaa jiro erayo badan oo intan ka badan balse erayadan waa kuwii iigu badnaa ee aan soo arko meel walba oo Soomaaliya ka tirsana waxaa dabcan ka jira Dhaqan iyo Lahjad ay dadka isku fahmaan.
Gunaanad.
Dhibaatadda ka jirta Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Magaaladda Muqadisho waxa ay keentay in dad badan ay u arkaan xal in ay yiraahydaan magaaladda Muqadisho ma aynaan iman ama Koonfurta Soomaaliya uma dhalan.
Haddii dhibaatadda sidan ay ku sii socoto waxaa ii muuqaneeysaa in Soomaalida intooda badan ay is nacaan oo Dadka ay u kala qeyb samaan deegaan deegaan ama Qabiil Qabiil.
Intii aan safarka ku jiray wax dhibaato ah lama kulmin meel walba oo aan tagana waxaa igu soo dhaweenayay asxaab wanaagsan.
Mahadcelin.
Waxaan u Mahadcelinayaa.. Ibraahim Abdi “Geeleâ€, Mohamed All-man, Shiekh Osman iyo Abiib oo si wanagsan iigu soo dhaweeyeen dalka Djibouti… sidoo kalle waxaan u mahadcelinayaa Musse Cadde, Fu’aad iyo asxaabta kalle ee si wada wanagsan iigu soo dhaweesay Magaaladda Hargeysa.
Salamat.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Kuala Lampur, Malaysia.
Comments
comments