Hay’ada qaxootiga Qaramada Midoobe Ee UNHCR oo walaac ka muujisay kororka Qaxootiga Soomaalida.
Bartamaha(Nairobi):-Hay’ada Qaxootiga Qaramada Midoobe Ee UNHCR ayaa shaaca ka qaaday in ay sii badanayaan qaxootiga Soomaalida ee ka gudbaya wadamada Xadwadaaga ay yihiin Soomaaliya.
Sargaal u hadlay Hay’ada qaxootiga Ee UNHCR ayaa waxa uu sheegay in ay aad u kordheen dadka qaxootiga ah ee ka sii cararaya dalka Soomaaliya islamarkaana ka talaabaya Xadadka Kenya iyo Itoobiya.
UNHCR ayaa waxa ay Sheegtay in bishii ay xadka ka talaabaan in ka badan 600-ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo badankood ka soo cararaya Magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale Ee koonurta Soomaaliya.
Hay’ada UNHCR ayaa waxa ay qirtay in ay xadka la talaabeen Sanadkan oo kaliya in ka badan 50.000-Qaxooti Soomaaliyeed ah oo badankood doonaya in ay isaga sii tagaan Dalalka dereska ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments