Haween Nadaafa ka shaqeynayay oo lagu qarxiyay Muqdisho.

Posted on Aug 4 2010 - 10:53am by News Desk
Tweet
Pin It

breaking-news bartamahaBarrtamaha (Muqdisho):- Qarax goor dhow kla dhacay Degmada Boondheere Ee Magaalada Mudqisho ayaa lala beegsaday Haweenka ka shaqeeya Nadaafada xilli ay Howl ka wadeen Degmadaasi.

Miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa lagu qarxiyay Haweenka ka shaqeeya Nadaafada xilli ay shaqa ka wadeen Ex-Dhismihii Baarlamanka ee Degmada Boondheere iyadoo Qaraxaasi ay ku la’deen Haween badan.

In ka badan 5-Haween ah ayaa u dhintay qaraxa Miinada ah ee lagu qarxiyay 12-Kalana dhaawac ahaan ayaa loola cararay ka dib markii Qarax Miino nuuca Rumuudka laga hago lagu qarxiyay Haween ka shaqeynayay Nadaafada wadada.

Qaraxa oo laga maqlay inta badan magaalada ayaa waxaa la sheegay in xiliga uu dhacayay ay Wadada Ex-agagaarka Hotelkii Shabeele iyo Dhismaha Baarlamanka ay ka shaqeynayeen Haweenka Nadaafada.

Qasaaraha ayaa laga baqanayaa in uu intaasi ka sii bato waxaana isbitaalka loola cararay Haween badan oo aad u liita kuwaasi oo gawaarida gurmadka ay u qaadeen Isbitaalka Madiina Ee Muqdisho.

Qaraxani ayaa waxa uu la mid yahay mid lagu qarxiyay Wadada Makka Al Mukarama Haween qashinka qaadayay kuwaasi  oo Miino lagu qarxiyay sanadii 2008-da xiligaasi oo ay ku la’deen haween badan.

Wixii ku soo kordha qaraxa kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.