Calendar

Gudoomiyaha Xizbul Islaam Hiiraan oo Muqdisho u soo aaday abaabulka dagaal ka dhan ah Ahlu Sunnah.

xizbul IslaamBartamaha(Muqdisho):-Gudoomiyaha Maamulka Ururka Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil la socota ayaa Muqdisho ka soo doontay hub iyo Ciidan ay kula dagaalamaan Ahlu Sunnah.

Warar lagu kalsoonyahay oo soo  gaaray Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidan la’aan ay soo wajahday Xizbul Islaam Hiiraan taasi oo sababtay in Gudoomiyahooda uu Muqdisho yimaado.

Gudoomiyaha Xizbul Islaam Hiiraan Sheekh Shuuriye Faarax Sabriye ayaa waxa uu yimid Magaalada Muqdisho iyadoo maanta uu kulan la leeyahay hogaamiyaha Xizbul Islaam Xasan Daahir iyo Muuse Caraale madaxa Gaashaandhiga Ururkaasi.

Saraakiil ku dhowdhow masuulkaasi Hiiraan ka yimid ayaa sheegaya in xiriir la’aan ay soo wajahday isagoo ka soo baqday in dagaalka haatan Baladweyne duleedkeeda ka dhacaya uu saamayn ku yeesho magaalada oo idin haddii aan laga soo gaarin.

Ninkaasi gudoomiyaha Xizbul Islaam Hiiraan ah ayaa waxa ay ad isugu dhowyihiin Muuse Caraale Madaxa Gaashaandhiga Xizbul Islaam iyadoo haatan uu ka soo doontay hub iyo Saanad Ciidan si lo badbaadiyo magaalada Baladweyne.

Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa awooda Xizbul Islaam ku soo celiyay rag uu hogaaminyay Sheekh Muuse Cabdi Caraale iyadoo haatan ay hlis ugu jirto in ay la wareegaan Culimada Ahlu sunnah Wal jamaaca oo haatan qarka u saaran magaaladaasi.

Iskun soo duube lama oga qaabka uu ku heli doono masuulkaasi Hiiraan ka yimid gurmadka Ciidan maadaama khilaaf hawada isku shareeray uu ka dhexjiro madaxda sar sare Ee Xizbul Islaam.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: