Gudoomiyaha gobalka hiiran oo ka hadlay biyo la’aanta ba’an ee ka jirta gobalkaasi
Gudoomiyaha maamulka dowlada fedaralka ah ee soomaalia ayaa ka hadlay biyo la’aan ba’an oo soo wajahday deegaano ka tirsan gobalka hiiran iyo galgaduud
Duqa degmada Beledweyne Cumar Aaden Ibraahim oo la haday warbaahinta bartamaha ayaa qiray in xaalad biyo la’aan oo ba’an ay ka jirto deeganno hoos hoos yimaada deeganada Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas.
Duqa ayaa ku baaqay in berri shir deg-deg laga yeesho xaaladda biyo la’aanta ah ee ka jirta dagmooyinkaasi.
Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Beledweyne, Maxamed Cismaan Cabdi ayaa isna ku baaqay in deg-deg loo gaarsiiyo gurmado dadka oonka ugu dhimanaya deegaanno hoos taga degmada Beledweyne iyo degmooyin kale ee gobolkaasi
Warar naga soo garay gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in shalay iyo maanta kaliya ah ay ku adhinteen dad gaaraya 11 qof dhowr dagmo oo hoos taga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas oo intaba ka tirsan gobolka Hiiraan.
Comments
comments