Calendar

Golaha Wasiirada qodobo kasoo saaray shirka ka bilowday Nairobi

Lataliyaha R.wasaaraha Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. YarisowShir Jaraa’id

(Muqdisho, Talaado 12 April 2011)


Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Shir ay isagu yimaadeen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XFKMG ah Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa looga hadlay shirka ka bilowdayNairobi, Golahu waxey isku raaceen arrimahan:

Dowladda Federalka KMG ah ee Somalia aad iyo aad bey uga xuntahay arrimaha siyaasadeed ee ay UNPOS hadda wado. Waxaan aaminsanahay UNPOS iyo beesha caalamkuba inay wadashaqeytoodu ay tahay mid loo maro labo wado si loogu guuleyso nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo kala ah:

1. Axdiga Fedraalka KMG ah. Axdiga ayaa si cad u qeexaya in Dowladda FKMG ah, hay’adiisa fulinta ay mas’uul ka tahay siyaasadda iyo dhaqangelinta.

2. Geedi socodka nabadda Jabuuti waxuu sidoo kale dib u xaqiijineysaa hay’adaha FKMG ah inay yihiin aasaaska wadajirka Soomaaliya, taasoo la doonayo inay beesha caalamku ku dhaqmaan xaalad kasta iyo waqti walba ee geediga nabadda.

Waxaa cad in kulanka wadatashiga ee ka dhacaya Nairobi 12ka iyo 13ka April 2011 uu bilowga qabanqaabada iyo abaabulkiisaba ay leedahay UNPOS tanoo ka soo horjeeda aragtiyada iyo soo bandhigidda ee Dowladda FKMG ah, taasoo si ku celcelis ah loogu bandhigay UNPOS iyo beesha caalamkaba.

Dowladda FKMG ah iyo Somalida kale ee talada ka wada dhaxeysa marnaba lug kuma laheyn qabanqaabada fikirka, macluumaadka iyo ajendada shirka Nairobi. Marka tan la fiiriyo, waxaa la rabay inay ahaato wadatashi iyo dib-u-heshiisiin Somalida dhexdeeda ah, sidaas daraadeed, waxaan aaminsanahay inay tani ay ka soo horjeedo rabitaanka shacabka, Axdiga iyo heshiiskii nabadda ee Jabuuti.

Sidoo kale, bulshada soomaliyeed waxey si ku celcelis ah u caddeeyeen sida ay uga soo horjeedaan kulankan Nairobi, ha noqoto Somalida gudaha dalka iyo kuwa dibedda ee qurbojoogta ah.

Wafdiga hadda ka qeybgalaya shirkaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka kama heystaan labada gole sharciyadii iyo awoodii matelaadda. Labada Goleba waxey si guud iyo si gaar ahba ugu caddeeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka sida cad ee ay uga soo horjeedaan ka qeybgalka shirka. Tan oo ay wehlisay 100 xildhibaano oo saxiixooda u geeyey Guddoomiyaha oo ay ku caddeynayaan inay ka soo horjeedaan ka qeybgalka shirka oo uu iska indha tiray.

Marka tan la eego, ka qeybgalka shirkan waxuu ka soo horjeedaa siyaasadda dalka, waxuuna keeni karaa inuu dhaawac u keeno danaha dalka, waxuuna horseedi karaa in hay’adaha Qaranka uu ku yimado burbur. Sidaas daraadeed, waxaan cambaareyneynaa falkan isaga ah, waxaana ugu baaqeynaa wafdigan inay ka soo baxaan shirka ay hadda ku jiraan. Sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa shacabka soomaaliyeed iyo xildhibaanada matala shacabka inay diidaan oo ay cambaareeyaan falkan si isku mid ah.

Si aysan u dhicin is-faham la’aan, waxaan caddeyneynaa oo aan ku celcelineynaa in Dowladda FKMG ah ay ku dhisan tahay dib-u-heshiisiin iyo nabadeyn oo dhan walba ah. Tani waxaa markhaati ka ah tallaabooyinka ay Xukuumaddu qaaday 100 kii maalmood ee ugu danbeeyey. 

Waxaan aaminsanahay guulaha iyo horumarka somalida ay gaartay ay caddeyneyso sida ay uga go’antahay inaan ugu guuleysano ujeedooyinka aan wadaagno si loo hubiyo inaan danaheena u fulino kuwa shacabka soomaaliyeed iyo kuwa bulshada caalamkaba. Waxaa kaliya oo looga guuleysan karaa cadowgeena Al-Shabaab, burcadbadeeda iyo gaajada si wadajir ah iyo wadashaqeyn buuxda ee dhexmarta soomaalida iyo bulshada caalamkaba. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay sii joogteeyaan dadaaladooda ay ku saacidayaan shacabka soomaaliyeed xilligan taariikhiga ah iyo inay xushmeeyaan sharafta iyo qaranimda dalka.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: