Golaha Wasiirada Dowlada Fd soomaaliya oo Caalamka ka dalbaday in ay qeyb ka noqdaan dagaalka Caalamagi ah ee Soomaaliya ka socda iyagoo cambaareeyay weerarkii Maanta B/weyne ka dhacay.
Bartamaha(Muqdisho):-Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen wasiirada dowlada Fd soomaaliya ayaa waxa ay ku canbaareeyeen weerarkii ismiidaaminta ahaa Ee Maanta B/weyne ka dhacay iyagoo shaaca ka rogay in dagaalka dalka ka socda uu yahay mid caalami ah.
R/Wasaare Xigeenka ahna wasiirka Kaluumaysiga Prof.C/raxmaan Xaaji Adan Ibbi,Wasiirka Warfaafinta Farxaan Cali Maxmuud iyo Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Maxmed Cabdi Xayir Maareeye oo galinkii danbe Ee Maanta shirjaraa’id ku wada qabtay Muqdisho ayaa waxa ay si kulul u canbaareeyeen falkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay Wasiirkii Amniga dowlada Cumar Xaashi Adan.
Wasiirada ayaa si cara leh uga jawaabay weerarkaasi oo ay ku tilmaameen mid cadowtooyo isla mar’ahaantaana ay muujinayso dhibaatada bareerka ah oo ay wadaan qolyaha Nabada Soomaaliya diidan sida ay sheegeen madaxda Wasiirada ahaa ee saxaafada kula hadlay manta Muqdisho.
Prof.C/raxmaan Xaaji Aadan(Ibbi)R/Wasaare Xigeenka ahna wasiirka Kaluumaysiga ayaa si weyn ugu dheeraaday ka hadalka taariikhdii Marxuum Cumar Xaashi isagoo tilmaamay in uu ahaa geesi ka tagay dhammaan shacabka jecel dowladnimada.
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha oo isagana ka badalay wasiirka hadalka iyo ka sheekeynta taariikhda Wasiirka manta la dilay isagoo Maxmed Cabdi Xayar Maareeye uu ku tilmaamay falal ay soo maleegeen Argagixiso caalami ah ismiidaamintii manta ka dhacday B/weyne.
Wasiirka ayaa shaaca ka rogay in ay xiligan si rasmi ah dalka soomaaliya u gashay dagaal Caalami ah kaasi oo ay dalka ka bilaabeen kooxaha Al-Qaacida isagoo wasiirkaasi ku baaqay in dhammaan wadamada caalamka ay ka soo qeybgalaan dagaalka looga hortagayo kooxahaasi.
Waa hadalkii ugu kululaa oo ay jeediyaan madaxdaasi ka mida Golaha Wasiirada Dowlada Fd soomaaliya iyadoo laga dheehan karay sida ay kaga xunyihiin dilalka iyo dagaalada iyo weerarkii ugu danbeeyay ee manta dalka soomaaliya ka dhacay kuwaasi oo ay farta ku godeen kooxo ay ku tilmaameen Al-qaacida.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments