Golaha Caalamka Islaamiga oo Amisom ku Eedeeyay Xasuuqii dhawaan loo geystay Naafadii Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Bartamaha (Muqdisho) Golaha Camalka Islaamiga Soomaaliyeed ayaa Eedeyn dusha uga tiiray Ciidamada Amisom isago sheegay ion dhawaan ay xasuuqii Naafada Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Golaha Camalka Islaamka Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Amisom ay ka danbeeyeen xasuuqi loo geystay Naafada Ciidamada Xooga Dalka.
Maxamed Bilaal ayaa sheegay in madfaca ku dhacay Isbitaalka Martiini uu ahaa mid aad u culus isagoo sheegay in aanay haysay Islaamiyiinta Madaafiicda nuucaasi oo kala ah balse Amisom madfacaasi ay ku doonaysay iska horkeen.
Gudoomiyaha Camalka Islaamka  ayaa tusaale u sooq aatay Geelii habeenkii la soo dhaafay Ciidamada Amisom ay ku laayeen wadada garoonka Muqdisho islamarkaana ay ku sheegeen in ay shaki ka qaadeen geelaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com Muqdisho-Somalia.
Comments
comments