Furitaanka Isbitaalka Galdogob oo Lagu Xiray Maamul Jira oo Lagala Xisaabtamo
Shir balaaran oo labo maalmood ka socday magaalada Nairobi ee caasimadda Kiinya kaasii oo ay isugu yimaadeen deeq bixiyayasha caalamka, ururada caafimaadka, saxafiyiin kasoo jeeda gobolka Mudug iyo Marti Sharaf Kale ayaa lagu sheegay in furitaanka isbtitaalka Degmada Galdogob oo ah Isbitaalka ugu weyn ee ku yaalla deegaanada Puntland uu ku xiran yahay qaabka loo helo maamul saxa oo ka jira Degmada Galdogob ee gobolka Mudug.
Shirkan oo ay kasoo qeyb galleen hay’addo caalamiya oo ay kamida ahaayeen IRC, MSF Germany, Unicef, WHO, ayay ku sheegeen iney aad u xanuujinayso dhibaatada caafimaad darro ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana degmada Galdogob ee gobolka Mudug iyadoo degmada uu ku yaallo mid kamida isbitaalada dhisme ahaan ugu waaweyn guud ahaanba Soomaaliya kaasi oo ay ku baxday malaayiin Doolarka mareykanka ah si hawla caafimaad uu u gaarsiiyo dadka ku nool gobolada Puntland iyo sidoo kale bariga dalka Itoobiya.
Luis Harry oo ku hadashay magacii ururada caafimaadka ee Kullankaasi kasoo qeyb galay ayaa sheegtay iney guud ahaanba ururada caafimaadku danaynayaan iney wax la qabtaan jaaliyadii malaayiinka Doolar ku bixisay dhismaha isbtiaalkaasi, isla markaana ay dhamaantood jecel yihiin iney ka fuliyaan adeeg caafimaad balse caqabadda ugu weyn ee hortaagan ay tahay maamul jira oo lagala xisaabtamo isbitaalkaasi iyo sidoo kale guud ahaanba degmada Galdogob.
Luis waxay qirtay ineysan jirin wax ka xanuun badan in dadka Galdogob uu magaaladooda ku yaallo isbtitaal la oran karo waxa uu kamid yahay isbitaalada ugu waaweyn Soomaaliya haddana adeegga caafimaad ee ay u baahdaan iney u raadsadaan isbitaalo iyo farmashiyayaal yaryar oo ku yaalla magaalooyinka u dhaw oo ay Gaalkacyo kamidka tahay, waxayna Luis tilmaantay in haddii la helo Maamul Jira oo lagala Xisaabtamo degmada Galdogob iyo Furitaanka Isbitaalka Weyn ee Mudug General Hospital ay Diyaar u yihiin hirgalinta mashaariic caafimaad oo lagu hormarinayo isbitaalka Galdogob si loo helo bulsho caafimaad qabta islamarkaana Isbitaalka looga Yimaado Dhamaan Magaalooyinka ku xeeran Degmada Galdogob.
Sidoo kale qaar kamida Dalalka deeq bixiyayaasha caalamka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la is garab taago jaaliyadii isbitaalkaasi dhistay isla markaana ka dhigay in Mudug General Hospital uu noqdo mid kamida isbitaalada ugu waaweyn ee Soomaaliya ku yaalla iyadoo ay Jaaliyaddu isbitaalkaasi Hirgalisay xilli Soomaaliya aysan ka jirin Dawlad Dhexe, waxayna Deeq bixiyayaashu ballan qaadeen in hay’adaha Caafimaaadka ka Shaqeeya iyo ururada aan Dawliga ahaynba ay kala shaqeyn doonaan sidii adeeg caafimaad uu u bixin lahaa isbitaalkaasi, waxayna ku dhiiri galiyeen ururadii Caafimaadka ee Kullankaasi kasoo qeyb galay in loo guntado sidii Isbitaalkaasi irdaha loogu furi lahaa isagoo lagu bixinayo adeegyo caafimaad oo kala duduwan.
Dhinaca Kale Cabdiqafaar Shire oo kamida wariyayayaashi ka qeyb galay kullankaasi islamarkaana ku hadlayay magaca mid kamida ururada aan dawliga ahayn ee ka dhisan gobolka Mudug oo lagu magacaabo Tacliin ayaa sheegay iney muddo Afar bilood ah kadib kusoo warcelin doonaan ururada caafimaadka isagoo muujiyay bal in xiriir dheeriya ay la sameyn doonaan ganacsatada, aqoonyahanada, waxgaradka, culimada iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmadaasi si loo helo maamul lagala xisaabtamo isbitaalka iyo guud ahaanba Degmada Galdogob.
Cabdiqafaar Shire, waxa uu mahad ballaaran u jeediyay ururadii Caafimaadka ee Kullankaasi kasoo qeyb galay iyo sidoo kale deeq bixiyayaashii caalamiga ahaa ee Kullankaasi hadalada ka jeediyay isagoo sheegay in iskaashi ay la sameynayaan hadii ay yihiin ururka Tacliin iyo sidoo kale Jaaliyadda Beesha Leelkase ee ku dhaqan Qurbaha si warbixin buuxda looga soo gudbiyo isbitaalka Mudug General Hospiatl ee ku yaalla degmada Galdogob kadibna ay xiriir la sameyn doonaan odayaasha, iyo waxgaradka ku nool Galdogob iyo sidoo kale maamulka Degmada Galdogob oo isagu ah kan xudunta u ah la xisaabtanka cidda gacanta ku haysa isbtitaalka iyo sidoo kale waxyaabaha hortaagan in isbitaalku uu shaqo bilaabo, waxa uuna Cabdiqafaar Shire Balanqaday in warbixinta laga sugayo ay ku soo gudbin doonaan mudada 4 bilood ah ee loo qabtay.
Ururka Tacliin oo ah urur aan Dawli ahayn oo ka shaqeeya horumarinta waxbarashada iyo hawlaha banii aadanimada ayaa ah urur ka dhisan dalalka Waqooyiga Mareykanka isagoo wakiilo ku leh Yurub iyo Afrikaba wax uuna ururku Wakiilo gaara ku leeyahay magaalooyinka Soomaaliya iyo sidoo kale Dalka Kiinya oo uu kullankani ka dhacay, waxa uuna Ururku Xoojinta Waxbarashada iyo hawlaha banii aadanimada ee Tacliin uu Carabka ku adkeeyay iney ku dadaali doonaan qaabka ugu sahlan ee ay warbixintaasi kusoo gudbin doonaan iyagoo iskaashi la sameynaya Aqoonyahanada, waxgaradka, odayaasha, culimada, iyo sidoo kale maamulka Degmada Galdogob si ay Shacbiga Reer Galdogob ugu suurta gasho in isbtaalkooda ay ka heli karaan adeegyada Caafimaad ee ay u baahan yihiin, isla markaana isbitaalku uu noqdo mid shaqeeya oo lagu faa ‘iido.
Isbitaalka degmada Galdogob ee Mudug General Hospital oo ay ku kacday lacag gaareysa malaayiin doolar ayaa waxaa dhismihiisa iska kaashaday jaaliyadda beesha Leelkase ee ku dhaqan dalalka Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka, waxa uuna Isbitaalku ka kooban yahay qeybaha kala duwan sida qaliinka, shaybaarka, jajabka, hooyada iyo dhalaanka, bukaan socod eegto iyo sidoo kale qeybaha kale ee looga baahan yahay in lagu fulliyo hawlaha adeegga Caafimaadka.
Dayaca iyo Dhibaatada isbitaalka Ragaadisay
Waxaanan indhaha laga qarsan karin dhibaatada iyo dayaca ku habsatay isbitaalka oo laga dhisay magaalo Istiraatiijiya oo ku taalla xadka labo waddan kaasi oo adeegiisa caafimaad uu gaari karo dad farabadan oo u baahan kaalmooyin caafimaad iney helaan balse ay horjoogto maamul xumo ka jirta degmada iyo sidoo kale rabitaan shakhsiyo gaar ah oo hortaagan horumarka degmada Galdogob, isla markaana u diidan shacbigaasi dhibaateysan iney helaan adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin.
Magaalada waxaa si aada u deggan Beesha Leelkase gaar ahaana waxaa magaalada u badan jifada Muumin Aadan oo isu fiirsanaya Maxamed Muumin, Xassan Muumin, Xirsi Muumin iyo Cali Muumin, oo afartooduba ah afar kamida caruurtii Muumin Aadan waxayna Jifo waliba is leedahay mashruuci la geeyo degmada in loogu faa’iideynayo jifo gaar ah, waxaase dhamaantood kawada maqan in daryeelka iyo horumarka guud ee degmada Galdogob uu yahay mid muqadassa islamarkaana horseedi kara isku duubni iyo wada jir in lagu gaaro Horumar gaara degmada Galdogob iyo sidoo kale guud ahaanba Dalka Soomaaliya.
Muxuu Horseedi Karaa Furitaanka Isbitaalka Galdogob
Furitaanka, shaqo galinta iyo sidoo kale in la hawl galiyo isbitaalka Degmada Galdogob maahan wax sahlan markii la fiiriyo awoodda maamuleed iyo tan aqooneed ee degmada Galdogob, waxaase la isku raacsan yahay in hadii maamulka degmada ka jira, odayaasha dhaqanka aqoonyahanada iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ay horseedi karaan in albaabada loo furo isbitaalka si loogu caawiyo dadka dhibaateysay ee ku nool nawaaxiga Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug, waxa uuna isbtitaalku adeeg caafimaad siin karaa dhul aad u ballaaran oo ka tirsan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana kamid noqonaya Horumarada uu Isbitaalku horseedka u noqon karo hadiiba albaabada loo furo arimaha soo socda:
- Sida Hirgelinta Garoon Diyaaradeed ay yeelato Degmada Galdogob si ay uga soo degto dhamaan adeegyada banii aadanimo ee looga baahan yahay degmada
- Bixinta adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin bulshada ku nool degmada Galdogob iyo Nawaaxigeeda
- Sare u qaadidda Wacyiga Caafimaad ee haatan ka jira degmada Galdogob iyo helitaanka Bulsho Caafimaad Qabta
- Hirgelinta macaahid lagu barto Caafimaadka oo laga dhiso qeybo kamida dhismayaasha isbitaalka si loo daboolo baahida adeegayaasha caafimaadka ee loo baahan yahay iyo sidoo kale soo saaritaanka dhakhaatiirta mustaqbalka uu yeelanayo isbitaalka Degmada Galdogob.
- Magaalaynta Degmada Galdogob iyo sidoo kale in degmadu ay yeelato suuq weyn oo ay soo beegsan karaan bulsha weynta Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa ku dhaqan nawaaxiga gobolada Mudug iyo Bariga Itoobiya oo soo beegsan doona adeegga Caafimaad oo uu yeesho Isbitaalka Galdogob.
- Ganacsiga Degmada oo sare u kac sameeya iyo sidoo kale maal gashi balaaran oo lagu sameeyo qeybaha kale ee ganacsiga si loo helo baahi walba oo looga baahan yahay degmada.
Dhamaan arimahani waxaaa hirgelintooda iyo meel marintooda hortaaganin albaabada loo furo isbitaalka degmada Galdogob oo furan tan iyo sanadkii 2005 oo aahayd wakhtigii lasoo gaba gabeeyay dhismaha isbitaalka.
W/D Ayaan Cabdulaahi
Nairobi- Kenya
Comments
comments