Calendar

FBI-da Maraykanka oo soo bandhigtay Magacyada Haween iyo rag lala xiriiriyay Alshabaab.

HAWABartamaha (Minnesota):- Dowlada Maraykanka ayaa soo bandhigtay magacyada Haween iyo rag lagu Eedeeyay xiriir kala dhexeeya Al-qaacida iyo Alshabaab.

FBI-da Maraykanka ayaa si toos ah shalay u qabtay 2-Haweeen Soomaaliyeed ah oo ku Eedeysan xiriir kala dhexeeya Kooxda shabaab ee dalka soomaaliya kuwaasi oo haatan gacanta ugu jira FBI-da.

Labada Haweenka ah ee la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Aamino Faarax Cali iyo Xaawo  Maxamed Xasan kuwaais oo FBI-da ay ka qabteen magaalada Minneapolis Ee Gobolka Minnesota.

Labada gabdhooda ayaa FBI-da ay bsheegeen in ay lacago culus ka aruuriyeen Soomaalida dagan Gobolka Minnesota islamarkaana lacagtaasi ay gacanta ugu shubeen Kooxda Alshabaab.

Ciidanka FBI-da iyo dadka xiriirka hoose la leh ayaa weli ku howlan sidii loo soo qabqaban lahaa dad kale oo soomaali ah kuwaasi oo dhamaan ku Eedeysan Xiriirka Kala dhexeeya Kooxda Alshabaab.

Illaa haatan waxaa la soo bandhigay magacyada 14-Qof oo Soomaali ah kuwaasi oo ku dhaqan dalka Maraykanka xiriir wanaagsana la leh Kooxda dagaalada ka wada dalka Soomaaliya Ee Alshabaab.

Magacyada iyo Magaalooyinka ay kala daganyihiin dadkaasi:_

  • Omar Shafik Hammami, U.S. citizen and former resident of Daphne, Alabama
  • Jehad Serwan Mostafa, U.S. citizen and former resident of San Diego, California
  • Amina Farah Ali, naturalized U.S. citizen from Somalia and resident of Rochester, Minnesota
  • Hawo Mohamed Hassan, naturalized U.S. citizen from Somalia and resident of Rochester, Minnesota
  • Abdikadir Ali Abdi, U.S. citizen
  • Abdisalan Hussein Ali, U.S. citizen
  • Cabdulaahi Ahmed Faarax, U.S. citizen
  • Farah Mohamed Beledi
  • Abdiweli Yassin Isse
  • Ahmed Ali Omar
  • Khalid Mohamud Abshir
  • Zakaria Maruf
  • Mohamed Abdullahi Hassan
  • Mustafa Ali Salat
  • Dhammaan dadkan ayaa waxaa la hayaa qaar ka mida oo gacanta Ciidanka FBI-da ku jira halka kuwa kalana ay ku raad joogaan weli sidii loo soo qabqaban lahaa islamarkaana loola xisaabtami lahaa.

    Lama garanayo dadkaasi dhammaan ku Eedeysan la xiriirida Kooxda Alshabaab waxa ay ka yeeli doonto Dowlada Dalka Maraykanka oo si aad ah u diidan la shaqeynta Alshabaab xilli baaritaan weli lagu hayay dhalinyaro la aaminsanyahay in ay Alshabaab ka kexeesteen Maraykanka kuwaasi oo qaar ka mida lagu dilay dagaalada.

    Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

    [email protected]

    Comments

    comments

Category : Featured, Minnesota, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: