Faysal Cali Waraabe oo shaaca ka qaaday in aanay dowlada madaxweyne shariif wax natiija ah keeni doonin.
Bartamaha(Muqdisho):- Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland Ee UCID ayaa si kulul u dhaliilay qaab dhisimeedka dowlada Fd soomaaliya iyo ammaan darada baahsan ee ka jirta dalka soomaaliya.
Ing.Faysal Cali Waraabe ayaa ku sifeeyay qaar ka mida masuuliyiinta dowlada Soomaaliya kuwa aan doonaynin daganaanshaha dalka soomaaliya isagoo carabka ku dhiftay R’iisul Wasaaraha Dr.Cumar C/rashiid iyo Wasiirka arimaha dibada Maxmed C/laahi Oomaar
Guddoomiyaha Xizbiga Mucaaradka Ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ku tilmaamay madaxdaasi kuwa deegaanadii ay ka soo jeeden ay nabadi ka jirto isla mar’ahaantaana aanay dareemeynin dhibaatada haysata shacabka Reer Koonfureedka ah sida uu hadalka u dhigtay.
Masuulkaasi ka mida Mucaaradka aan hubaysneen ee Somalia-Land ayaa baaq u diray madaxweyne Sheekh Shariif Sh.Axmed oo uu kula taliyay in uu heshiis la gaaro raga ay saaxiibada ahaayeen oo haatan mucaaradsan isagoo carabka ku dhiftay in dadka Mucaaradka inta badan ay ehela wadaagyihiin Madaxweynaha.
Hadalkan ka soo yeeray Faysal Cali Waraabe ayaa imaanaya xilli Dowlada Fd soomaaliya ay dagaalo dhiig badan ku daatay ay shacabka dushiisa kula gashay kooxaha Mucaaradka ee diidan jiritaanka dowladan kuwaasi oo awood xoogani la soo baxay.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia
Comments
comments