Bartamaha (Muqdisho):- Qasaarihii ka dhashay qaraxii maanta lala beegsaday Haweenka Nadaafada ayaa sii kordhiya iyadoo Cambaarayn balaaran ay soo baxayso.
Qarax Miino oo maanta lala beegsaday Haweenka Nadaafada ayaa lagu soo waramayaa in qasaaraha ka dhashay uu sii badanayo ka dib markii ay isbitaalka ku dhinteen Haween dhaawac uu ka soo gaaray qaraxa maanta.
Inta la ogyahay tirada dhimashada ayaa kor u sii dhaafaysa 8-Haween ah oo dhammaan ah kuwii ku Howlanaa Nadaafada kuwaasi oo qasaara kala kulmay qaraxii maanta lala beegsaday Haweenkaasi.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si xoogan u canbaareeyay qaraxii maanta lala beegsaday Haweenka Nadaafada kuwaasi oo maanta xilli ay Howl nadaafadeed ka wadeen Degmada Boondheere la qarxiyay.
Maxamed C/laahi Cariig Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa si xoogan u dhaliilay qaraxa ay maanta la beegsadeen Kooxaha aan la garanayn Haweenka Nadaafada Degmada Boondheere Muqdisho.
Cariig waxa uu sheegay in Ciidanka Dowlada ay dileen nin laga helay Rumuudka Miinada kaasi oo yaala Degmada Boondheere isagoo sheegay in qof walba ay ku xaqiijin karto ninka la dilay masuuliyada qaraxa.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala Xiriir:-[email protected]