Duqeyma Galabta loo gaystay gooba shacabku ay ku badnaayeen degmada Yaaqshiid Ee Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Madaafiic hoobiyayaal ah ayaa galabta waxaa lagu garaacay suuqa labaad muqdisho ugu weyn ee Suuq Bacaad halkaasi oo ay maanta si caadi ah ku soo laabteen dhaqashaqaaqi shacabka iyo ganacsiga suuqa.
In ka badan ilaa 8Madfac oo nuuca hoobiyaha ah aya galabta jaha kasta kaga soo dhacday suuq bacaad ilaa deegaanka Baar Ayaan halkaasi oo ay inta badan ku koobnaayeen u jeedka madaafiicdii galabta la soo hogaamiyay.
Madaafiicdii hobiyayaasha ahaa ayaa inta badan waxa ay ku dheceen gobo cidla ah iyo rugag ganacsi oo aan cidna ku jirin balse mid ka mid ah madaafiicda ayaa waxa uu ku habsaday Guri ay ku suganaayeen qoys aad u tabar daran.
Xaafada General Da’uud oo aan sidaa uga faogayn suuq Bacaad ayaa waxaa ku dhacay madfac iyadoo uu ku habsaday ilaa 8ruux oo ahaa Aabe iyo Hooyo 6Carur ah oo ay dhaleen iyadoo halkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa 4ruux oo labadii Waalid ay ku jireen.
Waxaa la arkayay iyadoo gurigaasi laga daadguraynayo dadkii ku la’day waxaana la sheegay in qoyskaasi galabta dhamaaday ay ahaayeen dadka ugu tabarta yar muqdisho marka loo eego xagga nolosha.
Ma aha markii ugu horeysay oo duqeyn dad soomaaliyeed ay ku dhintaan ay caasimada ka dhacdo iyadoo arinkan uu ku soo aadayo xilli dagaalo manta ay ka nasten dadka muqdisho ku nool.
Xarunta Wararka Xaqiiqda ah www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments