Dowlda oo guula ka sheegatay dagaal Xalay ka dhacay Degmda Hodon Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada Soomaaliya ayaa guula la taaban karo ka sheegatay dagaal xalay ka dhacay Degmada Hodon Magaalada Muqdisho.
Dagaalka xalay ka dhacay Wadooyinka Terbuunka iyo Taleex Ee Degmada Hodon ayaa waxaa guula ka sheegtay dowlada oo sheegatay masuulkiyada weerarka dagaalkaasi dhaliyay.
Col.C/laahi Xasan Bariise Afhayeenka Booliiska oo warfidiyeenada kula hadlayay xaafdo ka mida Degmada Hodon ayaa sheegay in dagaalka xalay dhacay ay dhankooda qaadeen maadaama ay bateen weerarada Dowlada kaliya ku socda.
Afhayeenka Booliiska ayaa intaasi raaciyay in Ciidamada Booliiska ay joogaan xaafado badan oo ka mida Degmada Hodon Muqdisho islamarkaana dhawaan ay gaarayaan guud ahaan Degmooyinkaasi.
Hadalka Booliiska Dowlada ka soo baxay ayaa imaanaya xilli saqdii dhexe ee xalay dagaal xoogan uu ka dhacay Degmada Hodon oo ay isku horjoogaan Islaamiyiinta iyo Ciidanka Dowlada.
Habeen hore ayay ahayd markii dagaal midkan la mid ah uu ka dhacayay xaafado ka mida Degmadaasi iyadoo Dowlada ay sheegtay in dagaalkaasi ay deegaano badan kula wareegtay wallow aan taasi la xaqiijin.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments