Dowladda oo xirtay Idaacadda Kulmiye Muqdisho
Dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta xirtay Idaacadda Kulmiye oo ka mid ah Idaacadaha madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.
Hay’adda nabad sugidda Qaranka ayaa Maamulka Idaacaddaasi gaarsiisay Warqad lagu amrayo in ay Idaacadda hawada ka saaan si KMG ah, waxayna sheegeen in ay qaateen go’aankaasi, Idaacaddana hawada ayaa laga saaray.
Idaacadda Kulmiye ayaa xalay wareystay dhalinyaro dhawaan ka soo goosatay maleeshiyada Shabaab, kuwaas oo sheegay in aysan heysan waxyaabo badan oo ay ahayd in ay helaan, waxayna baaq u direen madaxweynaha.
Wareysigaas ayaa loo heystaa idaacadda sida ay maamulku u xaqiijiyeen warbaahinta, waxayna maamulka Kulmiye ku howlan yihiin in ay arrintaan kala hadlaan Wasaaradda warfaafinta Dowladda federaalka KMG.
Dhallinyarada Wareysiga Bixiyay waxaa gacanta ku haya Hay’adda nabad sugidda qaranka, waxayna dowladdu dejisay guri, ayadoo ammaankoodana sugtay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay ka soo goosteen maleeshiyada Shabaab.
Muqdisho- Bartamaha.
Comments
comments