Calendar

Dowladda Mareykanka oo ammaantay dadaalka iyo dhiirranaanta ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM

us_embassy_logo1War Saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Nayroobi ayaa lagu ammaanay heerka xirfadeed, dadaalka iyo dhiirrannaanta ay muujiyeen Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo ciidamada AMISOM ee ka kala socda dalalka Yugaandha iyo Burundi intii ay socdeen howlgalladii militeri ee dhowaan ka dhacay Muqdisho.

Ciidanka AMSIOM waxay magaalada Muqdisho u joogaan inay Dowladda KMG ah ka caawiyaan inay  dalka dib ugu soo celiso nabad iyo xasillooni.

War saxaafadeedka oo arrintan faahfaahinaya wuxuu sheegay in laga soo billaabo bishii Febraayo 22keedii, ay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay horumar ka sameeyeen dhowr furun, iyagoo si taxadar leh u tixgelinaya shacabka.

Howlgalladaas waxaa loogu talogalay in kooxaha mucaaradka xagjirka ah laga fogeeyo goobaha uu dadku deggen yahay.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in horumarkaasi uu watay khasaarihiisa, iyadoo Dowladda Mareykanku tixgelineyso naf-huristii ay sameeyeen Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

“Dowladda Mareykanku waxay tacsi u direysaa qoysaska Soomaalida, Yugandha, iyo Burundi ee ay ka baxeen askartii geeriyootay,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Muqdisho-Bartamaha.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: