Dowlada Wadanka Eritrea oo sheegtay in aanay jirin argagixiso laga baadigoobayo Dalka Soomaaliya.
 Bartamaha(Asmara):-Dowlada Eritrea ayaa shaaca ka qaaday in Maraykanka iyo Ethioua aaanay Soomaaliya ka raadinayn wax al-Qaacida balse ay ujeedooyin ka leeyihiin Dalkaas.
Yemane Ghebremeskel Agaasimaha Madaxtooyada Dalka Eritrea oo saxaafada kula hadlayay Magaalada Casmara ayaa waxa uu sheegay in xaalada Soomaaliya ay tahay mid wanaagsan balse Maraykanka iyo Itoobiya ay qas ka wadaan.
Ghebremeskel oo ah Agaasimaha Madaxtooyada Dalkaasi Eritrea ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin wax Al-qaacida ka mida uu maraykanka ka raadinayo Dalka Soomaaliya balse ujeedooyin kale ay ka leeyihiin Dalka Soomaaliya.
Agaasimaha Madaxtooyada Asmara Ghebremeskel ayaa waxa uu si kulul u weeraray siyaasada Maraykanka Ee Dalka Soomaaliya isagoo ku Eedeeyay xiligan dhibaatada ka taagan Soomalaiya in uu ka danbeeyo Maraykanka.
Hadalka ka soo yeeray Dowlada Eritrea ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli Dowlada Maraykanka ay wado qorshe ay kula dagaalamayso kooxaha Al-qaacida gudaha Dalka Soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments