Calendar

Dowlada Turkiga oo dalbatay in Dagaal lala galo Burcad Badeeda Biyaha Soomaaliya.

Gu_TurkiBartamaha(Ankara):-Dowlada Turkiga ayaa ku baaqday in dagaal xoogan lagu qaado dhammaan Deegaanada ay daganyihiin Burcad Badeeda Biyaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamanka Turkiga Maxamed Cali Shaahiin oo la kulmay Gudoomiyaha Baarlamanka SOomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa uu ku baaqay in Dowlada KMG ah ay qeyb ka qaadato cuuryaaminta Burcad Badeeda.

Kulanka labada masuul ay yeesheen ayaa waxaa si weyn ay iskula soo hadal qaadeen arimaha Burcad Badeeda soomaaliya oo sii kordhaysa awoda ay leeyihiin iyagoo isla meel dhigay in meel looga soo wada jeesto.

Gudoomiyaha Baarlamanka Turkiga Maxamed Cali Shaahiin  waxa uu ku baaqay dagaal ka dhan ah Burcad Badeeda maadaama ay dhulka soomaaliya awood ku sii yeelanayaan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in wadamada Caalamka ay dhibaato ku qabaan Burcad Badeeda waxa uuna dalbaday in Dowlada Soomaaliya laga saacido la dagaalanka Kooxahaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: