Calendar

Dowlada Talyaaniga oo Dowlada Soomaaliya u fidisay taageera dhanka dhaqaalaha ah.

faraitiBartamaha(Roma):-Dowlada Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in taageera maaliyadeed ay u fidisay Dowlada Soomaaliya .

Wasiirka Arimaha dibada Wadanka Talyaaniga franco frattini ayaa shaaca ka qaaday in Talyaaniga uu dowlada Soomaaliya ugu deeqay illaa 4-Milyan oo Euro  ah si loogu fuliyo mashaariicda dib u hishiisiinta iyo dhismaha dalka.

Frattini ayaa muujiyay tageerada Dowladiisa ay la garab taagantahay Dowlada tabarta daran Ee Soomaaliya isagoo wacad ku maray in uu la badi goobi doono dhaqaalaha loo Balan qaaday Dowlada Ee xiligan ka maqan.

Dowlada Talyaaniga ayaa sheegtay in lacagtan uu taluyaniga dhiibayo ay ka mid tahay dhaqaale Dowlada Soomaaliya loogu yaboohay shirkii ka dhacay Magaalada Burosseless Ee Dalka Builgam.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: