Dowlada Masar Oo Dowlada Puntland u gacan galisay kooxo lagu sheegay Burcad Badeed.
Bartamaha(Boosaaso):-Dowlada Masar ayaa la sheegay in ay Burcad Badeeda ay soo qabatay ku wareejisay Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland .
Markab nuuca dagaalka oo laga leeyahay Dalka Masar ayaa la xaqiijiyay in uu kooxo Burcad Badeed ah uu ku wareejiyay maamul Goboleedka Puntland ka dib baaritaan ay ku sameeyeen.
Saraakiil u hadlay Dowlada Masar ayaa waxa ay sheegeen in ay baaritaan ku sameeyeen illaa 8-dhalinyaro dooni saran oo lagu qabtay biyaha gacanka Cadmeed islmarkaana looga shakiyay Burcad Badeeda.
Masar ayaa dhawaanahan waxa ay waday qorshe ay ku difaacanayso maraakiibteeda ganacsiga ee isticmaasha biyaha Dalka Soomaaliya iyadoo raggan lagu wareejiyay Puntland ay ku soo aadayaan xilli hore Masar ay u haysay kooxo burcad badeed ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â
Comments
comments