Dowlada KMG oo balan qaaday inay cirib tiri doono ciidamadeeda ee hubka ka iibiya Alshabaab
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa balan qaaday inay si adag ugu shaqeyn doonaan sidii loo cirib tiri lahaa isla markaana gacan bir ah lagu qaban lahaa dadka la sheegay inay ka tirsanyahiin Ciidamada dowlada ee ka ganacsada hubka dowladda,kuwaasoo ka iibiya Alshabaab.
Janaral Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha cade) oo dhawaan la siiyay darajada Janaraalnimo ayaa sheegay inay haatan ku howlanyahiin qorshe lagu soo qab qabanayo sida uu sheegay rag madax ah oo ka tirsan ciidamada dowlada KMG,kuwaasoo yiri caadeystay inay ka ganacadaan hubka looga talagalay inay dalka iyo dadka ku difaacaan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Waxuuna Janaral Indha cade intaasi ku daray inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo afjari doonaan howlkaasi,isla markaana durba ay bilaabeen soo qab qabshada waxa uu ku sheegay qiyaanoolayaa qaran.
Si kastaba hadalka Janaral Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha cade) ayaa imaanaya Kadib markii ciidamada Dowlada KMG ay howlgal balaaran ay sameeyeen kusoo qab qabteen tiro dad ah oo la sheegay inay ka ganacsanayeen hubka ay leedahay dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
www.Bartamaha.com
Comments
comments