Calendar

Dowlada Britain oo walaac ka muujisay Soomaalida ka soo dagaalanta Dalka Soomaaliya.

FreeBritain_Bartamaha (Britain) Dowlada Britain ayaa shaki xoogan ka muujisay dhalinyara soomaaliyeed oo qaarkood tababar iyo dagaalaba ka soo galay dalka soomaaliya oo ku soo badanaya qeybo ka mida Magaalooyinka dalkaasi.

Hay’adda Sirdoonka u qaabilsan dalka Britain ee lagu magacaabo IM5 ayaa ka digtay qatarta ay geysan karaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee tababarka dagaalada ku soo qaatay dalka soomalaiya balse xiligan dagan Britain .

Sida uu qoray Wargayska The Independent ee ka soo baxa dalka igiriiska hay’adaha Ammaanka dalkaasi ayaa shakki xoogan waxa ay ka qabaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee qaarkood tababarada ku soo qaatay dalka soomaaliya.

Wargayska ayaa lagu sheegay in ay sii kordheyso tirade dhalinyarada Soomaalida ah Ee dalka soomaaliya u tagaya sidii ay uga bar-bar dagaalami lahaayeen Islaamiyiinta Mucaaradka ah taasi oo Qatar xoogan oo Britain ku soo wajahan ah sii joogitaanka dalkaasi.

Tirada Muwaadiniinta haysta dhalashada dalka Britain Ee tababarad u garaya Soomaaliya ayaa waxa ay sii badanayeen sanadihii ugu danbeeyay iyadoo la sheegay in illaa 100-Muwaadin ay haatan ku maqanyihiin dalka soomaaliya si ay garab u siiyaan Islaamiyiinta.

Magaalooyinka Soomaalida ay ku badanyihiin Ee Dalka Ingriiska ayaa waxaa ka bilowday baaritaano xoogan iyo adkaynta dhalinyarada dhawdhaqaaqyada ka samereya dalkaasi iyo tixrac lgu hayo safarada ay u aadaan wadamada Carabta iyo Afrika.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: