Calendar

Digniin kama Dambays ah oo Dowlada maanta u jeedisay dadka dagan hareeraha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

garoonka Muqdisho diyaBartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah ayaa maanta digniintii ugu dambaysay u jeedisay dadka dagan hareeraha garoonka Diyaaradaha Muqdisho halkaasi oo la faray in ay saacado gudahooda uga guuraan dadkii daganaa mudooyinkan.

Ciidamo xoogan oo ay wateen Saraakiil caan ah oo Maamulka Gobolka Bnaadir ka tirsan ayaa maanta gaaray Xerada Afisyooni oo ay daganyihiin qoysas Barakacayaal ah iyo kuwa daganaa muddo 20-Sano ah xeradaasi kuwaasi oo ay ku amreen in 24-Saac ay uga guuraan.

Maalin ka hor ayaa maamulka Gobolka Banaadir waxa uu dadka dagan hareeraha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ugu baaqay in ay isaga guuraan halkaasi waxaana maanta ay tageen madaxda maamulkaasi dhammaan goobaha dadka la faray in ay isaga guuraan.

Qosaska la faray in ay guryahooda ka Barakacaan ayaa waxa ay dhawaanahan soo buuxiyen Xerada Afisyooni oo ahayd xarunbtii Ciidamada Cirka Dalka Soomaaliya oo sidii dowlada u burburtay ay dad daganaayeen wallow Dadkii guryahooda madaafiicda uga soo barakacay ay todobaadyadii la soo dhaafay ay buuxiyeen Xerada.

Sida warar Xaqiiqda ku salaysan ay sheegayaan amarkan ayaa waxa uu ka soo baxay Ciidamada AMisom waxaana laga yaabaa in Maalma ka dib ay halkaasi daganaan Ciidanka Amisom oo ka baqanaya in Xeradaasi qaraxyo laga soo maleego lagu weeraro garoonka Diyaradaha.

Cabsiga qaraxyada ayaa ah salka sababta loo qixinayo dadka Barakacayaasha ah waxaana la ogayn maamulka Gobolka Banaadir halka ay dadkaasi geynayaan maadaama madaafiic lagu wadop xaafadihii ay horay uga soo barakaceen ee Woqooyiga Muqdisho.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: