Dib udhac Ku yimid ansixinta Xukuumada cusub ee puntland
Garowe_ Xili Maanta oo Isniin ah qorshuhu ahaa in wasiirada cusub ee dhowaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland ay horyimaadaan Baarlamanka ayaa dib udhac uu kuyimid.
dib udhacaan ku yimid ansixinta wasiirada cusub ayaa sabab looga dhigay cilad farsamo oo timid, waxaana taasi bedelkeeda ay maanta Baarlamanku yeesheen shir ku aadan habka loo ansixinayo wasiirada Cusub.
Kulanka Baarlamanka oo ay goob joog ahaayen inta badan mudanaysha Baarlamanka ayaa waxa lagu gorfeeyay hananka lagu ansixinkaro wasiirada, waxaana sigaara looga dooday in loogu codeeyo qaab gacan taag ah, iyo in mid mid loo ansixiyo.
Xildhibaanada ayaa isku raacay in qaab gacan taag ah lagu ansixiyo wasiirada, maadama ay ogoladeen ku dhowaad 40- xildhibaan sida uu sheegay mid kamid ah mudanayasha Baarlamanka.
Beri oo Talaado ah ayaa qorshuhu yahay in xukuumadu ay hortagto baarlamanka si ay uhesho Xasaanada Baarlamanka.
www.Bartamaha.com
Xafiiska Puntland.
Comments
comments