Dekedaha Soomaaliya oo lagu wado in hal maamul loo sameeyo
BARTAMAHA – Dowladda federaalka Soomaaliya oo shaacisay inay ku howlan tahay sidii dakadaha Soomaaliya kuyaal dhamaan u maamuli laheed hal Hay’ad.
Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, Yuusuf Macallin Amiin (Baadiyow) ayaa sheegay in wasaaraddu ku howlan tahay sidii ay ula soo wareegi lahayd maraakiib Soomaalia leedahayoo ku sugan dalka Yemen.
Wasiirka ayaa Waxaa uu sheegay in wasaaraddu ay sii ambaqaadeyso dadaallo ay horay u sameeyeen dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ku doonayeen in ay gacantooda soo galaan maraakiibtaas.
Dhinaca kale, wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda Soomaaliya, Yuusuf Baadiyoow ayaa sheegay in la midaen doono maamullada dekedaha Soomaaliya, iyadoo loo marayo sharciga.
Comments
comments