Monthly Archives: October 2013

Madaxweyne Faroole: Waxaan Leenahay ICAO Kuma Wareejin Kartaan Dowladda Xamar Hawada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Garoowe ayaa Saxaafada siiyey hadal soconaayey muddo 30daqiiqo oo uu kaga hadlay arrimo badan ku Saabsan Xaalada dalka. Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ayaa ka hadlay arrimaha Shidaal baarista ee gudaha Soomaaliya … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Madaxweyne Sheekh Shariif oo Soomaalida ka codsaday inay is cafiyaan

Madaxweynihii dowladda kumeelgaarka ahayd SH Shariif SH Axmed oo Salaadda Ciidul-adxa kula tukaday Soomaalida fagaare ku yaal magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney guud iscafiyaan. Madaxweyne Shariif SH Axmed oo la hadlayey dadweynaha Soomaaliyeed … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Madaxweynaha Uganda oo canaantay ciidankiisa kadib fadeexadii musuqmaasuqa ahayd

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa aad uga xumaaday wararka lagu sheegayay in ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya ay musuqmaasuq ku kaceen. Maalinta xornimada dalka Uganda ee toddobaadkii hore laga xusay dalka Uganda ayuu Museveni waxaa uu kula … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Kenya doonaysa in la joojiyo maxkamada loo haysto madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka

Todobaad kadib markii ay ku guulaysatay inay taageero buuxda ka hesho wadamada xubnaha ka ah midowga Afrika oo meel mariyay qaraar diidaya in maxkamad la geeyo madaxweyne Afrikaan ah inta uu xilka hayo ayaa dawlada Kenya ay dadaal ugu jirtaa … read more »

Posted in Featured | Leave a comment

Sawirro: Alshabaab oo dhoolatus military ku soo bandhigtay degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhoolatus milateri ku soo bandhigay degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dhoolatuskan ay ka qeyb qaateen gaadiid dagaal iyo mootooyin. Xoogaga Shabaab ee soo bandhigay dhoolatuskan ayaa watay boorar ay ku qornaayeen Erayo English … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Wajigii labaad ee qorshaha doorashada Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan oo la guda-galay ayna socoto xulashada ergada (SAWIRRO)

Kaddib kulan ballaaran oo magaalada Beledweyne ay ku yeesheen xubnaha ka socda wasaarada arrimaha gudaha, xildhibaanno, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha gobolka Hiiraan ayaa looga dhawaaqay in la guda–gallay wajigii labaad qorshaha dhismaha maamulka gobolka Hiiraan … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in ciidankiisu sii joogayaan Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Ciidamadiisa ay sii joogayaan Soomaaliya, inta dalkaas cagaihiisa isaga taagayo, amnigiisana dib u soo ceshanayo, kadib khudbad uu shalay jeediyay Munaasabada Ciidul Adxa. Madaxweynaha Jabuuti ayaa hambalyo u diiray ciidankiisa ku sugan … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Hogaamiyayaasha dawlada oo qado sharaf u sameeyay xildhibaanada baarlamaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta munaasabad qado sharaf ah u sameeyey xildhibaanada Baarlamaanka. Waxaana ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Baarlamaanka Soomaaliya oo beeniyay warar sheegayay in Ra’iisul wasaaraha Mooshin laga keenay

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in warqad loo diray Ra’iisul Wasaare Saacid Saacid looga dalbaday in Baarlamaanka uu soo weydiisto codka kalsoonida Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa sheegay inay been abuur … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Cali dheere oo sheegay inay Nairobi ku dhawaatay inay kamid noqoto wilaayaadka Islaamiga ah

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo shalay salaadii ciida kadib boqolaal qof kula hadlay degmada Baraawe ayaa sheegay in magaalada Nairobi ay ku dhawaaqat inay ka mid noqoto wilaayaadka Islaamiga ah ee ay ka taliyaan. Cali Dheere ayaa … read more »

Posted in Featured | Leave a comment

Hogaamiyayaasha dawlada Soomaaliya oo masaajidka isbahaysiga kula tukaday dadweynaha Muqdisho salaadii ciida

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa boqolaal dadweyne salaada Ciida kula dukaday Masaajidka Isbaheysiga, iyagoo si wada jir ah hambalyo ugu diray shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Saacid, xildhibaano, saraakiil iyo … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Dawlada Itoobiya oo shaacisay in qaraxii Addisababa ay ku dhinteen labo nin oo Soomaali ah

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay Xaafada Bole ee magaalada Addis Ababa, kaasoo ay ku dhinteen labo nin oo Soomaali ah. Wararka ayaa sheegaya in labada nin Soomaaliga ay guri ka kireysteen Xaafada Bole … read more »

Posted in Featured | Leave a comment

Degdeg: Alshabaab oo sheegatay qaraxii ka dhacay magaalada Addisababa

Al-Shabaab ayaa war ay soo dhigeen Barta Twiterka  waxa ay ku sheegteen Masuuliyadda Qaraxii ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 2 Ruux. Al-Shabaab ayaa waxa ay warka ay soo dhigeen … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Xujeyda oo maanta taagan banka Carafo iyo bari oo iid ah

Ilaa Hal malyuun oo xujey ka kala yimid caalamka daafihiisa ayaa saaka taagan Baanka Carafo, si ay u gutaan waajibka ugu muhiimsan ee acmaasha xajka, iyadoo sanadkan uu ka yar yahay tirada dadka soo xajisay sanadihii hore, maadaama ay yareysay … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Dagaal ka dhacay ceelasha biyaha oo dhexmaray ciidamada dawlada iyo AMISOM oo wada socda iyo kooxda Alshabaab

Dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Arbacow ee ku yaala duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha. Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo socday muddo saacad ku … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Qarax ka dhacay Addisababa oo dad ku geeriyoodeen

Qarax bambaano ayaa shalay oo Axad aheyd ka dhacay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, kaasoo ay ku dhinteen labo ruux, sida uu xaqiijiyay Telefishinka Qaranka Itoobiya. Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa, laakiin Ciidamada Sirdoonka ayaa wada baaritaan … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya: Hub lalama gali karo ayraboorka

Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo shalay ka hor hadlayay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aan wax hub ah lala geli karin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Wasiirka ayaa sheegay in maamulka garoonka oo lagu wareejiyay … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Afweyne oo lagu xiray dalka Belguim xilli uu saarnaa diyaarad ka duushay magaalada Nairobi

Wakaalada wararka ee dalka Belgium ee Belga ayaa shaacisay in xabsiga loo taxaabay Maxamed Cabdi Xassan (Afweyne) oo ahaa mid kamid ah aasaasayaashii burcad badeeda Soomaaliya. Afweyne ayaa laga qabtay ayraboorka magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium isagoo saarnaa diyaarad … read more »

Posted in Featured | Leave a comment

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya heshiiska ay xukuumada la saxiixatay shirkada Favori

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ka doodaya heshiis Xukuumada Soomaaliya ay la gashay Shirkada Favori, kaasoo todobaadkii hore la hor keenay. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa loo qeybinaya nuqulada qoraalka heshiiska Favori loogu wareejiyay maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Wasiirka Warfaafinta … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Kulan looga hadlayay Amniga oo Muqdisho ka dhacay iyo Taliyaha Booliiska oo ka hadlay Qodobbadii kasoo baxay kulanka (SAWIRRO)

Kulan looga hadlayay ammaanka Muqdisho oo ay ka qeyb galeen dhamaan laamaha ammaanka dowladda ayaa xalay ka dhacday Hoyga Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo kulankan looga hadlayay dar dar gelinta ammaanka caasimada. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo shir gudoominayay kulanka … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment