Monthly Archives: October 2013

Dawlada Uganda oo sare u qaaday feejignaanta lamaaheeda ammaanka

Dowladda Uganda ayaa heegankii ugu sareeyay gelisay laamaheeda ammaanka gudaha, kadib markii ay soo saartay digniino ku aadan weeraro argagixiso oo Mareykanka uu soo saaray in dalkaas laga fulin rabo. Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay la wadagayaan Safaarada Mareykanka ee … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Askar loo xiray baxsashada nin Keenyaati ah oo ka tirsanaa Alshabaab

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Askar ka tirsan dowladda lagu xiray, markii uu ka baxsaday Nin Kenyan ahaa oo ka tirsanaa Ururka al-Shabaab. Col. Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Madaxweynaha Jubbaland oo ogolaaday inuu ka qaybgalo shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho

Kadib wada hadalo qaatay saacado fara badan oo u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa is afgarad lagu gaaray, iyadoo Axmed Madoobe uu aqbalay inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta ee lagu qabanayo Muqdisho. Wada hadalada oo … read more »

Posted in Featured | Leave a comment

Jaamacada Banaadir oo ka mid noqotay Jaamacado ku Midoobay Mashruuc cusub oo loogu magac daaray RUN

Jaamacada Banaadir ayaa ka mid noqotay 20 jaamacadood oo ku midoobay mashruuc caalami ah oo ku saabsan sidii dowladaha Afrika ee dagaallada iyo dhibaatooyinku la dageen ay dib ugu soo kaban lahaayeen iyagoo isku tashanaya waxaana loogu magac daray mashruucan … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Dhalinyaro farabadan oo lagu soo xiray hawlgallo dhanka ammaanka ah oo Muqdisho laga sameeyay

Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa howgallo ay maanta ka sameeyeen degmada Kaxda oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir kusoo qabqbatay dhallinyaro fara badan oo lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab. Howlgalkan oo socday muddo saacado ah … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Khilaaf cusub oo ka dhex aloosan dawlada federaalka ah iyo maamulka Jubbaland

Waxaa mar kale uu dib u dhac ku yimid shirkii Dib u heshiisiinta Jubooyinka ee lagu waday maanta inuu ka furmo magaalada Muqdisho, kadib markii horaantii bishan ay ku dhawaaqday Xukuumada inuu shirka dhacayo 21-ka October. Inkastoo aanay Xukuumada ku … read more »

Posted in Featured | Leave a comment

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dooday hirgalinta nidaamka axsaabta badan

Guddiyada  Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaga dooday hirgelinta nidaamka xisbiyada siyaasadeed iyo xoojita howlaha Baarlamaanka. Kulanka Guddida joogtada ah ee Baarlamaanka waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya oo booqasho kadis ah ku tagay magaalada Baydhabo

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta safar lama filaan ah ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Jen. Saacid ayaa lagu sheegay safarkiisa inuu salka ku haya sidii kormeer uu ugu … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Madaxweyne Xasan Sheekh: Ciidamada dowladda ee Gobollada dhexe wey helayaan Xuquuqdooda

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee tababarka ugu socda xerada 21 aad ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa kormeer iyo booqasho ugu tagay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad,  iyadoo uu gudoonsiiyay Ciidamadan uu tababarku u socdo 3 neef oo geel ah … read more »

Posted in Featured | Leave a comment

Maamulka gobolka Sh.Dhexe oo baadi goob ugu jira askari toogtay sarkaal ta tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ku dilay deegaanka Buurane Sarkaal ka tirsan Guutada 1aad Ciidamada xooga dalka. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabaa Ismaaciil Laambey, iyadoo la sheegay inuu ahaa Taliye … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Dadkii ku dhaawacmay qaraxii Beledweyne qaar kamid ah oo Muqdisho loo qaaday

Dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa maanta la geeyay magaalada Muqdisho, kadib diyaarad ay u dirtay dowladda Soomaaliya. Dhaawacyadan oo gaarayay ilaa 14-ruux ayaa waxay yihiin kuwo dhaawacooda aad u liito, waxaana laga soo … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Hibo Nuura oo xalay xaflad sagootis ah loogu sameeyay madaxtooyada Soomaaliya

Marwooyinka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Xaflad sagootin ugu sameeyay Fanaanada Hibo Maxamed Hudoon (Hiba Nuura) oo mudooyinkii u dambeeyay ku sugneyd magaalada Muqdisho, kadib markii ay dalka dib ugu soo laabatay labaatan sano kadib. Xaflada … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Video Cusub oo soo baxay ayaa muujinaya qaabkii ay u galeen Westgate ragii weerarka qaaday

Muuqaal cusub ayaa muujinaya markii ay soo galeen goobta Westgate ee weerarku ka dhacay kooxihii hubaysnaa ee weerarka qaaday. Marka ay gudaha soo galayaan ayaa la arkayaa dadweynihii oo kala cararaya qaarkoodna ay is jiireen, dabadeedna raggii hubaysnaa ayaa bilaabay … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Beledweyne

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, kaasoo ay ku dhinteen dad fara badan. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Alshabaab oo sheegtay inay 25 qof ku dishay weerarkii maantay ka dhacay magaalada Beledweyne

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerar is qarxin ahaa oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan. Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarka ismiidaaminta ay la eegteen Ciidamo wada jir ahaa oo isugu jira Itoobiyaan, Jabuutiyaan … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Ku dhawaad 14 qof oo ku dhintay qaraxii ka dhacay magaalada Beledweyne

Faah faahin ayaa ka soo baxaysa qarax ismiidaamin ah oo maanta barqadii ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyn, markii ruux naftii hure ah uu isku qarxiyay maqaaxi ku dhow Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan. Wararka ayaa sheegaya in ilaa 14-ruux ay ku … read more »

Posted in Featured | Leave a comment

Dawlada Maraykanka oo sheegtay in dalka Uganda ay weeraro la mid ah kuwii Westgate ku soo fool leeyihiin

Sirdoonka Mareykanka ayaa ka digay suurta galnimada weeraro lagu qaado magaalada Caasimada ah ee Kampala ee dalka Uganda, kaasoo la mid ah weerarkii bishii hore lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi. Afhayeen u hadlay dowladda Uganda ayaa sheegay … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Wiil Soomaali ah oo haysta dhalashada Norway oo la sheegay inuu kamid ahaa raggii qaaday weerarkii Westgate

Ruux Somali ah oo haysta dhalashada dalka Norway ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa kooxihii weeraray dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasoo magaciisa lagu sheegay, Xasan Cabdi Dhuxuloow.  Booliiska Norway ayaa baaritanano ku haya in Dhuxuloow … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Tarsan oo digniin culus u jeediyay odayaasha dhaqanka ee Soomaalida

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa uga digay Odayaasha dhaqanka inay Ergay u noqdaan raga loo xiray tuhun Shabaab ama uu ka tirsan yahay. Tarsan ayaa sheegay inay jiraan Odayaal qaar oo ka daba … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay inay heshiis iskaashi military ah la saxiixanayaan Itoobiya

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan wasaaradiisa ay heshiis la saxiixan doono wasaarada gaashaandhiga Itoobiya, kaasoo qeyb ka ah heshiisyo ay dowladda la galeyso dowladaha danaha kala dhaxeeya. C/xakiin Fiqi ayaa wareysi uu … read more »

Posted in Featured | Leave a comment