Daily Archives: October 16, 2013

Wajigii labaad ee qorshaha doorashada Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan oo la guda-galay ayna socoto xulashada ergada (SAWIRRO)

Kaddib kulan ballaaran oo magaalada Beledweyne ay ku yeesheen xubnaha ka socda wasaarada arrimaha gudaha, xildhibaanno, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha gobolka Hiiraan ayaa looga dhawaaqay in la guda–gallay wajigii labaad qorshaha dhismaha maamulka gobolka Hiiraan … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in ciidankiisu sii joogayaan Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Ciidamadiisa ay sii joogayaan Soomaaliya, inta dalkaas cagaihiisa isaga taagayo, amnigiisana dib u soo ceshanayo, kadib khudbad uu shalay jeediyay Munaasabada Ciidul Adxa. Madaxweynaha Jabuuti ayaa hambalyo u diiray ciidankiisa ku sugan … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Hogaamiyayaasha dawlada oo qado sharaf u sameeyay xildhibaanada baarlamaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta munaasabad qado sharaf ah u sameeyey xildhibaanada Baarlamaanka. Waxaana ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Baarlamaanka Soomaaliya oo beeniyay warar sheegayay in Ra’iisul wasaaraha Mooshin laga keenay

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in warqad loo diray Ra’iisul Wasaare Saacid Saacid looga dalbaday in Baarlamaanka uu soo weydiisto codka kalsoonida Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa sheegay inay been abuur … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Cali dheere oo sheegay inay Nairobi ku dhawaatay inay kamid noqoto wilaayaadka Islaamiga ah

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo shalay salaadii ciida kadib boqolaal qof kula hadlay degmada Baraawe ayaa sheegay in magaalada Nairobi ay ku dhawaaqat inay ka mid noqoto wilaayaadka Islaamiga ah ee ay ka taliyaan. Cali Dheere ayaa … read more »

Posted in Featured | Leave a comment