Daily Archives: October 1, 2013

Maxay qabatay xukuumadu Soomaaliya sannad kadib markii lasoo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Saacid?

Muddo sannad laga joogo ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu igmaday Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon saacid inuu soo dhiso xukuumad loo dhanyahay oo sii ambaqaada horumarka ummada Soomaaliyeed hiigsanayso. Ma dhibyara in waddan uu dagaal ragaadiyay … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Ra’iisul Wasaare Saacid oo Muqdisho ku soo laabtay kana hadlay safarro uu kusoo maray Geneva iyo Dalka Turkiga (SAWIRRO)

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho. Mudane Saacid ayaa ka warbixiyay safarradii uu dibadda ugu maqna … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Jaamacadda SAVANNAH oo soo bandhigtay heshiis dhinaca Waxbarashada ah oo ay la gashay Jaamacada Jommo Kenyatta (SAWIRRO)

Xarunta Jaamacada SAVANNAH ee Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu soo bandhigay heshiis ay jaamacaddu la gashay jaamacadda Jommo Kenyatta oo ku taalla dalka Kenya, taasoo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno, arday, ururada bulshada rayidka, madaxda haamacadda iyo marti … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia iyo Wafdi ay horkacaysay oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Ottowa (SAWIRRO)

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ottawa ee dalka Canada shalay oo ahayd 30-kii  bishii September ee aynu … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Soomaaliya oo dib u dhisaysa xarumihii ciidamada Asluubta ee ku burburay dagaalladii sokeeye

Wasiirka Garsoorka Awqaafta iyo arimaha Diinta dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Abyan Nuur oo uu wehlinayo taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo maanta kormeer ku tagay xaruntii taliska ciidamada asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in dib u dhis lagu samaynayo dhammaan xarumihii ciidamada … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Kooxda Alshabaab oo dhalinyaro u dagaallanta ka qoranaysa gudaha Kenya

Tan iyo markii Xarakada Al-Shabaab ay qaaday weerarkii Rugta Ganacsiga ee Westgate 21-kii bishan ayaaa waxaa isa soo tarayay walaaca laga qabo in mar kale weeraro ay ka geysato gudaha dalkaas. Weerarkii Westgate oo qaatay muddo afar maalmood ayaa la … read more »

Posted in Featured | Leave a comment

Dowladda Turkey oo ka qeyb-qaadaneyso dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo Waxbarashada

Dowladda Turkiga ayaa balan qaaday dhismaha iyo tayeynta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, oo mudadii dalka bur-bursanaa aan helin tababar wanaagsan. Sida uu sheegay afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdi Wali, kulan ka dhacay dalka Turkiga oo ay wada qaateen Ra’iisul … read more »

Posted in Bartamaha Forum, Featured | Leave a comment