Monthly Archives: September 2013

Saddex ruux oo siyaabo kala duwan xalay loogu dilay Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ilaa saddex ruux xalay siyaabo kala duwan loogu dilay xaafado ka tirsan magaalada, iyadoo dilalkan ay geysteen kooxo ku hubeysan bastoolado. Sida ay sheegayaan wararka saddexda ruux ee la dilay ayaa mid … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Madaxweynaha oo New York kula kulmay Madaxweynaha Turkiga, Amiirka Qadar iyo Hillary Clinton (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeeshay magaalada New York qaar ka mid ah madaxda caalamka ka socotay ee ka qeyb galeysa shirka guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweyne Xasan ayaa la kulmay Madaxweynaha Turkiga Cabdallah Guul, Amiirka … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Khubaro Ajnabi oo Kenya ka caawineysa baaritaanka DNA-ga ragii fuliyay weerarkii Westgate

Khubaro caalami ah oo ka socota dalalka Mareykanka, Israa’iil, Britain, Canada, Jarmalka iyo Booliska Aduunka ee Interpol ayaa Kenya ka caawineysa baaritaanka raadadka meydadkii weerarkii Westgate, si loo helo macluumaad la xiriira dableydkii weerarka qaaday. Wasiirka Arrimaha Kenya Joseph Ole … read more »

Posted in Featured | Leave a comment

Ciidamada ammaanka Kenya oo si wayn loogu eedeeyay inay ka gaabsadeen wax ka qabashada ammaanka kadib weerarkii Westgate

Baarlamaanka  Kenya ayaa shalay galinkii dambe yeeshay kulan looga hadlayay ammaanka dalka kadib markii Alshabaab ay qaaday weerar khasaare badan dhaliyay oo lala beegsaday xarun ganacsi  oo ku taalla xaafada Westlands oo kamid ahayd meelaha ugu ammaanka fiican ee magaalada … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo booqasho ku jooga dalka Ciraaq (Sawirro)

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku jooga dalka Ciraaq, kaasoo ah lugtii labaad booqasho ay ku marayaan dalal ka tirsan Jaamacada Carabta. C/kariin Xuseen Guuleed ayaa magaalada Baqdad kula … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka Geneve ee Golaha Xuquuqul Isnaanka (Sawirro)

Kal-fadhigii 24-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay oo maanta ka dhacay magaalada Geneve – Switzerland ee sida gaarka ah diiradda loogu saaray Xuquuqda Aaadanaha Soomaaliya ayaa lagu ammaanay dadaalka xukuumadda Soomaaliya ugu jirto taaba-galinta dhowrista iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xooga saarayo amniga iyo Xiriirka Arimaha Dibadda (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ah ku joogo dalka Maraykanka, ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda dowladaha caalamka uga qeyb galaya shirka sanadlaha ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa la kulmay … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo sheegay in la soo afjaray howl galkii Westgate

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo goor dhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in la soo afjaray howl galkii afarta maalmood ka socday Xarunta ganacsiga ee Westgate, halkaasoo dabley hubeysan ay Sabtidii gudaha u galeen, iyagoo dilay dad ka badan lixdan … read more »

Posted in Featured | Leave a comment

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Geneve:-Warsaxaafadeed

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo wafdigii uu hogaaminayay oo xalay soo gaaray magaaladda Geneve ee dalka Switzerland ayaa ka qayb-galaya shirka kal-fadhiga 3-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay oo barri ka furmaya xarunta Golaha Xuquuqul … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Fatou Bensouda oo sheegtay inay Kenya ka caawin doonto sidii cadaalada loo horkeeni lahaa kooxihii weeraray Westgate

Maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa sheegtay inay Kenya ugu yaboohayso caawimaad ku aadan sidii cadaalada loo horkeeni lahaa kooxaha gaystay weerarka lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate. Fatou Bensouda oo ah haweenayda dacwad soo oogaha ka ah maxkamadaasi … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Alshabaab oo beenisay in ciidamada Kenya ay la wareegeen dhismaha xarunta ganacsiga ee Westgate

Inkastoo dawlada Kenya ay shalay shaacisay inay la wareegeen ciidankoodu dhammaanba dabakhyada uu ka koobanyahay dhismaha xarunta ganacsiga ee Wetsgate ayaa la maqlayaa dhaawaqa rasaasta la is waydaarsanayo oo si teel teel ah u dhacaysa maalintii Afraad. Shalay ayaa weerarkii … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Daawo sawirrada Golaha Wasiirada Soomaaliya oo xalay shir ka yeeshay weerarka lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate

Gollaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa xalay isugu yimid shir aan caadi ahayn, iyadoo uu shir guddoominayay Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Kheyraadka Dalka mudane Cabdirisaq Cumar Maxamed waxaana shirka looga hadlay Arrimaha Amniga dalka iyo weerarkii Argagaxisadu ka gaystay goob laga … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Rag looga shakiyay weerarka Westigate oo lagu qabtay Ayraboorka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta

Ciidamada booliska ee la dagaalanka Argagixisada ayaa labo ruux ku qabtay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, kuwaasoo doonayay inay ka dhoofaan shalay oo Isniin aheyd. Labadan ruux laga shakiyay ayaa la weydiinayaa su’aalo, iyadoo la sheegay inay u … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Daawo sawirrada madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay jaamacad ku taal Ohio

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay madaxda Jaamacada Ohio State University, iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, iyadoo lagu wado in Madaxweynaha ka qeyb galo shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ee … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Kenya oo sheegtay in Rag Maraykan ah iyo gabar u dhalatay Britain ay ka mid yihiin kooxaha weeraray Westgate

Wasiiradda arrimaha dibada ee Kenya Aamina Maxamed Jibriil ayaa shaacisay in dhalashooyin kala duwan ay haysteen ragga qaaday weerarka xarunta ganacsiga ee Westgate.  Aamina ayaa sheegtay in 3 kamid ah ay haystaan dhalashada wadanka Maraykanka oo ay asal ahaan kasoo … read more »

Posted in Featured | Leave a comment

Daawo: Dagaal gacanta la isula tagay ayaa wali ka socda xarunta ganacsiga ee Westigate

Wararka halkaas ka imaanaya ayaa sheegaya in dagaalkii ugu xoogga badnaa uu maanta dhacay, isla markaana qaraxyadii ugu badnaa ay sameeyeen kooxaha goobtaas weerarka ku qaaday oo haysta tiro maxaabiis ah.

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Cali Khaliif Gallayr oo kamid ahaa dadkii ka badbaaday weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ka mid ahaa dadkii ka bad baaday weerarkee Sabtidii lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi. Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa wareysi uu … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Jaamac Sandaqad oo xilkii laga qaaday ku tilmaamay mid aan dastuurka waafaqsanayn

Kadib markii maalintii shalay munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyadda magaaladda Gaalkacyo xilkii looga qaday taliyihii qaybta booliska gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad),ayaa waxaa arrinta ku gacan sayray oo shrci daro ku tilmaamay taliyaha xilka laga qaday. Taliyihii qaybta booliska … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Degdeg:ciidamada Kenya oo shaaciyay inay la wareegeen xarunta ganacsiga ee Westgate

Xoghayaha arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in ciidamada ay la wareegeen dhismaha Westgate, isla markaana ay ka nadiifiyeen dabaqyada dhismaha kooxihii argagixisada ahaa. Mr Ole Lenku oo goor dhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay bad baadiyeen … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Qaraxyo waawayn oo ka dhacay Westgate iyo kala orod ka socda xaafadaha ka agdhow

Iskahorimaad u dhexeeya ciidamada Kenya iyo ciidammo ajnabi ah oo caawinaya iyo xoogagga gacanta ku haya dhismaha ganacsi ee WESTGATE ayaa goor-dhow halkaa ka qarxay, iyadoo qaraxyo waaweyn laga maqlayo gudaha xaruntaas. Inkastoo aan la caddeyn karin qaraxyadu waxay yihiin, … read more »

Posted in Featured | Leave a comment